4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 17, 2021
ONLF oo ka hadhay ka qaybgalka doorashada degaanka ka dhacaysa

Jimco, September, 17, 2021 (HOL) - War saxaafadeed ay goordhawayd soo saareen Xisbiga ONLF, ayaa lagu sheegay inay guud ahaan ay qaadaceen ka qaybgalka doorashada degaanka ka dhacaysa dhawaan.

ONLF ayaa arrintan sabab uga dhigay maadaama aan la sixin khaladaadkii ay horey u tirsanayeen xisbiyada mucaaradku oo uu ONLF ku jirto, iyagoo sheegay in Guddida Doorashadu uu ku guul daraystay inuu saxo khaladaadkii hore.

Go'aanka ay maanta qaateen ONLF ee ay ku sheegeen inay ka hadheen ka qaybgalka doorashada degaanka ka dhacaysa ayaa kusoo hagaagaysa xilli horey ay doorashada uga hadheen Xisbiga FEP, oo isna cadeeyay inuu ka hadhayo doorashada degaanka ka dhacaysa.

Arrintan ayaa sidoo kale kusoo hagaagaysa iyadoo maalmo kooban un ka hadhey doorashadii degaanka ka dhici lahayd, oo ololihii doorashaduna uu maalmahan ka socdo guud ahaan degaanka Soomaalida.

Degaanka ayaa waxaa horey uga tartamayay xisbiga talada haya ee PP iyo xisbiyada mucaaradka oo dhawr ah, iyadoo ay ugu waawaynaayeen ONLF iyo FEP, balse hadda ay labadoodiiba iskagahadheen doorashada, mana jirto hadda xisbi muuqda oo la tartamaya xisbiga talada haya ee PP.


Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]