4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 17, 2021
Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Hirshabeelle oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho
 

Jimco, September, 17, 2021 (HOL) - Waxaa Maanta magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ku geeriyooday Xildhibaan Maxamed Axmed Faarax, wuxuuna ahaa wasiiru dowlahii wasaaradda Warfaafinta maamul goboleedka Hirshabeelle.

Allah u naxariiste Marxuum Maxamed Axmed Faarax oo loo yaqiinay Kolombo ayaa geeridiisa waxaa Shabakadda HOL u xaqiijiyay Xildhibaano ka tirsan Hirshabeelle, waxayna sheegeen in Marxuumka uu xanuunsana maalmahii lasoo dhaafay maanta uu ku geeriyooday Muqdisho.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa ka tacsiyadeeyay geerida allah u naxariistee Xildhibaan Maxamed Axmed Faarax Kolombo, islamarkaana sheegay inuu murugada la qeybsanaayo qoyskii iyo qarabaadii uu ka baxay Marxuumka.

Saacadaha soo socda ayaa lagu wadaa in la aaso meydka allah u naxariistee Maxruum Maxamed Axmed Faarax Kolombo oo ay ka qeyb gali doonaan masuuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]