4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 16, 2021
Madaxweynaha Koonfur galbeed, safiirada QM iyo Midowga Afrika oo Baydhabo kaga shiray khilaafka madaxda
 

Khamiis, September, 16, 2021 (HOL) - Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo wakiilka midowga Afrika ee Soomaaliya, ayaa maanta kulan ay Baydhabo kula qaateen Madaxweynaha Koonfur galbeed, waxay kala hadleen khilaafka siyaasadeed ee soo kala dhexgalay madaxweyne Farmaajo iyo raysal wasaare Rooble.

Madaxweynaha Koonfur galbeed ayaa kulanka kadib, shir jaraaid ku sheegay in wafdiga u yimid ay ka codsadeen inuu sii wado dadaalada xal u helista khilaafka madaxda dowladda, si aan dib loogu laaban.

“Waxaan u sheegay oo aan isku afgaranay in aan dadaalka sii wadayno,” ayuu yiri madaxweyne Lafta gareen oo ay dhinac taagnayeen labada safiir.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed  ayaa sidoo kale wafdigan waxay kawada hadleen dardar galinta doorashooyinka aqalka hoose, gaar ahaan xagga amniga iyo sidii ay ku dhici lahayd doorasho xor iyo xallaal ah.

Madaxweyne Laftagareen ayaa sheegay maamulkiisu inuu qaban doono doorasho loo siman yahay islamarkaasna aysan dib uga dhicidoonin jadwalka loo dajiyay doorashada aqalka hoose.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online