4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 16, 2021
Faysal Cali Waraabe "Biixi waxa uu noqonayaa madaxweynihi ugu horeeyay ee aan codsan kordhis"
 

Khamiis, September, 16, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID Faysal Cali Waraabe, oo kasoo laabtay safar uu ku joogay waddamada Yurub, ayaa sheegay in madaxweyne Biixi uu codsaday in doorashada madaxtooyada lagu qabto wakhtigeedi, oo aan mudo kordhin loo samayn.

Faysal ayaa madaxweynaha Somaliland u hambalyeeyay isagoo sheegay in uu maqlay in madaxweyne Biixi, uu codsaday in doorashada madaxtooyada wakhtigeedi lagu qabto, wuxuuna sheegay in hadii madaxweynuhu uu doorashada wakhtigeeda ku qabto uu taariikhda Somaliland baal dahab ah ka gali doono.

"Waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay warar iga soo gaadhaya madaxweynaha, oo ah in madaxweynuhu diyaar u yahay in doorashadii wakhtigeedii lagu qabto, hadii doorashadii hore ee isku sidkanayd tana uu ku daro taariikhda baaldahaba ayuu ka galayaa, wuxu noqonaya madaxwaynihii ugu horeeyay ee aan codsan kordhis bilaa sharci ah, waan u hambalyaynaya" ayuu yidhi Faysal.

Sida uu ku waramay muuqbaahiyaha Saab TV iyo warbaahin kale, madaxweynaha ayaa golaha wakiilada dib ugu celiyay xeerkii furista ururada siyaasada, taasi oo lagu fasiray in macnaheedu tahay in madaxweynuhu uu si toos ah uga howl galayo qabashada doorashada madaxtooyada.



Abdilahi Abdirahman Mahamed, Hiiraan Online
[email protected]