4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 16, 2021
Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koofur Afrika
 

Khamiis, September, 16, 2021 (HOL) - Wararka ka imaanaya magaalada Pretoria ee dalka Koofur Afrika ayaa sheegaya in deegaan hoos yimaada magaaladaasi lagu dilay Muwaadin Soomaaliyeed oo ka mid ganacsatada Soomaliyeed ee ku noola dalkaasi.

Ganacsadaha Soomaaliyeed ee lagu dilay dalkaasi ayaa lagu magacaabi jiray Mahad Dheere, waxaana dilkiisa geystay koox burcad ah oo hubeysnaa, kuwaas oo ku dhex dilay goobtiisa ganacsi oo ku taalay degmada Malmelodi oo ka mid ah deegaanada hoos yimaada magaalada Pretoria.

Burcada geystay dilka muwaadinka Soomaaliyeed ayaa si deg deg ah goobta uga baxsatay, waxaana daqiiqado kadib goobta soo gaaray ciidamo ka tirsan Booliiska dalka Koofur Afrika oo baaritaano ka sameyay goobta lagu dilay Marxuum Mahad, walow aysan jirin cid ay usoo qabteen dilka muwaadinka Soomaaliyeed.

Koofur Afrika waxaa inta badan ka dhaca dilalka, dhaca iyo boobka loo geysto ganacsatada Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaasi, iyadoo dowladda Koofur Afrika ay marwalba sheegto iney wax ka qabaneyso dhibaatada iyo beegsiga lagu ganacsatada Soomaalida ee ku nool dalkaasi.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]