4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 14, 2021
Raysal wasaare Rooble oo marin habaabin ku tilmaamay guddiga baariseed ee uu madaxweyne Farmaajo magacaabay
 

Talaado, September, 14, 2021 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa war uu caawa soo saaray kaga digay isku day kasta oo lagu marin habaabinayo Kiiska Ikraan Tahliil.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa marin habaabin ku tilmaamay guddiga baariseed ee uu xalay magacaabay madaxweyne Farmaajo, wuxuuna sheegay in ay sharci darro tahay in guddi guddi kale lagu dul magacaabo.

Wuxuu Raysal wasaaruhu faray xeer ilaalinta maxkamadda ciiddamada qalabka sida in ay dardar galiyaan kiiska Ikraan Tahliil, si ay qoyskeeda u helaan  caddaalad madax bannaan oo ka maran faro galin.

Farmaajo iyo Raysal Rooble ayaa dib khilaafkooda usoo xoogaystay, kadib markii uu fashilmay dadaalo lagu doonayay in khilaafkooda xal laga gaaro.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online