4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 14, 2021
Dowladda Jabuuti oo war kasoo saartay xaalada caafimaad ee madaxweynaha dalka Jabuuti
 

Talaado, September, 14, 2021 (HOL) - Iyadoo saacadahii lasoo dhaafay baraha bulshada si aad ah u dhex wareegaayay qoraalo lagu sheegayo inuu xanuunsan yahay madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa waxaa wararkaasi goordhaw beenisay dowlada Jabuuti.

War qoraal ah oo uu bartiisa Twitter-ka uu soo dhigay Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayuu ku beeniyay wararka sheegaya in madaxweynaha dalka Jabuuti uu la liito xanuun haayo.

“Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle wuu fiican yahay, Dhammaan wararka la faafiyay ee ku saabsan xaaladdiisa caafimaad waa kuwo xaqiiqda ka fog wuuna caafimaad qabaa madaxweynaha kaliya waxa uu maraya jakin caafimaad maadama uusan dalka ka bixin xagaagii lasoo dhaafay, hadana uu ku jiro xaalad nasasho ah” Ayuu yiri wasiir Maxamuud Cali Yuusuf.

Wasiirka ayaa sheegay in madaxweynaha waqtigan uu dareemayo kaliya xaalad nasasho la'aan ah, islamarkaana uu dhawaan soo shaqo gali doono.

"Madaxweyne Geelle wuxuu shaqadiisa ku soo laabanayaa maalmo gudahood, mana jirto walwal gaar ah oo laga qabo xaaladaiisa Caafimaad” Ayuu wasiir Maxamuud Cali Yuusuf.

Hadalka wasiirka arrimaha Dibadda dalka Jabuuti ayaa imaanaya xili tan iyo shalay baraha bulshada lagu dhex arkaayay qoraalo la xariira wararka sheegaya in madaxweynaha Jabuuti uu wajahayo xaalad caafimaad darro.


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]