3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 14, 2021
Qaali Maxamuud Guhaad oo waxba kama jiraan ku tilmaamtay guddi uu Farmaajo u magacaabay Kiiska Gabadheeda
 

Talaado, September, 14, 2021 (HOL) - Hooyada dhashay Ikraan Tahliil ayaa ku gacan seyrtay guddi baaritaan oo uu xalay u magacaabay madaxweyne Farmaajo kiiska Marxuumad Ikraan Tahliil ee horay khilaafka culus uga dhex abuuray Farmaajo iyo Rooble.

Qaali Maxamuud Guhaad oo ah hooyada dhashay Ikraan ayaa sheegtay in guddiga uu Farmaajo magacaabay uu yahay mid aan waxba ka jirin oo aysan wax rajo ah ka sugeynin dadkii dhibaateeyay gabadheeda sida ay hadalka u dhigtay hooyo Qaali.

“Waxaan uga digayaa Farmaajo inuu faraha kala baxo kiiska gabadheyda ee Maxkamada Ciidamada horyaala, haddii uu ka hari waayo kiiskaan waxaan ka dacweyneynaa maxkamadaha dalka iyo dibadiisaba, kumana qanacsani guddiga uu magacaabay ee waxaan ku qanacsanahay ee waxan ku qanacsanahay dacwada ay maxkamada ciidamada qalabka sida u gudbistay” ayay tiri Hooyo Qaali Maxamuud.

Hooyada dhashay Ikraan Tahliil ayaa xalay markale kasoo dhex muuqatay Warbaahinta iyada oo la ilmeyneysa xanuunka qalbigeeda ku saaqsan ee ah cadaalad u helida kiiska gabadheeda oo ay sheegtay inuu hortaagan yahay madaxweyne Farmaajo.

Gabagabadii Hooyo Qaali Maxamuud ayaa sidoo kale uga digtay Xildhibaan Cabdishakuur Mire iyo Wasiiru Dowlaha Gaadiidka Cabdiraxmaan Dheere inay faraha kala baxaan Kiiska gabadheeda Ikraan Tahliil Faarax.

Tan iyo markii hay'adda NISA ay shaacisay bilowgii bishaan geerida Ikraan Tahliil oo ay sheegeen iney Shabaab u gacan gashay oo ay dileen, Al-shabaabna iska fogeeyeen dilka gabadhaasi, waxaa uu kiiska Ikraan noqday mid jahwareer culus ka dhex abuurtay Farmaajo iyo Rooble.

 

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
9/14/2021 3:25 PM EST
Talaado, September, 14, 2021 (HOL) - Wajigii koowaad ee doorashada xildhibaanada aqalka sare ku matalaya maamulka Hirshabeelle, ayaa lasoo gabagabeeyay, iyadoo caawa la doortay saddexdii senator ee ugu horreeyay.

9/14/2021 2:36 PM EST
Talaado, September, 14, 2021 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa war uu caawa soo saaray kaga digay isku day kasta oo lagu marin habaabinayo Kiiska Ikraan Tahliil.

9/14/2021 1:56 PM EST
Talaado, September, 14, 2021 (HOL) - Waxaa goordhaw magaalada Jowhar lagu soo gabagabeeyay doorashada kursigii ugu horeeyay ee kuraasta Aqalka sare ee deegaan doorashadiisu tahay Hirshabeelle.

9/14/2021 12:52 PM EST
Talaado, September, 14, 2021 (HOL) - Qaraxaan oo jugtiisa laga maqlay degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir ayaa ka dhacay degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

9/14/2021 10:06 AM EST
Talaado, September, 14, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan kula qaatay magaalada Muqdisho Xubno ka tirsan Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya.

9/14/2021 9:48 AM EST
Talaado, September, 14, 2021 (HOL) - Iyadoo saacadahii lasoo dhaafay baraha bulshada si aad ah u dhex wareegaayay qoraalo lagu sheegayo inuu xanuunsan yahay madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa waxaa wararkaasi goordhaw beenisay dowlada Jabuuti.

9/14/2021 7:48 AM EST
Talaado, September, 14, 2021 (HOL) - Maryan Cabdi Xuseen oo ah haweenay kasoo jeeda Soomaaliya ayaa taariikh cusub sameysay, kadib markii ay noqotay qofkii ugu horreeyay oo Soomaali ah oo ka mid noqda baarlamaanka dalka Norway.

9/14/2021 7:06 AM EST
Talaado, September, 14, 2021 (HOL) - Isutaga Bulshada Rayidka Soomaliyeed ayaa waxay sheegeen in ay aad uga xunyihiin isafgarad la’aanta madaxda dalka ee la xiriirta khilaafka awoodaha sharciga dawladadeed ee soo kala dhexgalay madaxweynaha iyo raysal wasaaraha.

9/14/2021 3:04 AM EST
Talaado, September, 14, 2021 (HOL) - laba xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Kenya ayaa Isniintii ku hanjabay inay tallaabo ka qaadi doonaan Xoghayaha Golaha Wasiirrada Arrimaha Gudaha (CS) Dr. Fred Matiang'i iyo taliyaha Guud ee Booliiska Hillary Mutyambai haddii aysan si cad u sharraxin afduubka loo geystay Aqoonyahan Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad.

9/14/2021 2:57 AM EST
Talaado, September, 14, 2021 (HOL) - Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in hanjabaadaha argigixiso ee ka imaanaya wadamada Soomaaliya, Yemen, Suuriya iyo Ciraaq gaar ahaan ISIS- ay ka khatar badan yihiin kuwa laga yaabo inay ka soo baxaan dalka Afgaanistaan.

9/14/2021 1:19 AM EST
Talaado, September, 14, 2021 (HOL) - Waxaa goordhaw lagu wadaa maanta oo talaado in si rasmi ah magaalada Jowhar ay uga bilaabato doorashada Xildhibaanada Aqalka sare Baarlamaanka Soomaaliya ku matalaya dowlad goboleedka Hirshabeelle.