4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 11, 2021
Wasiir Kaahin "Aad baan uga xumahay in Koore maanta lagu yidha halkan gunno ayuu ku jooga"
 

Sabti, September, 11, 2021 (HOL) - Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa wax laga xumaado ku tilmamay in xisbiga Waddani wasiir Koore ku tilmaamo shakhsi Somaliland ku jooga guno, wasiirka ayaa sidoo kale ka jawabay waraysi uu bixiyay guddoomiyaha wakiilada Somaliland mudo kahor.

"Aad iyo aad baan uga xumahay si shakhsi ah in Koore maanta lagu yidhaa halkan gunno ayuu ku joogaa, sarkaal ciidamada ah ayuu ahaa, ana da' dii naga yar yarayd, ayuu ahaa, 14 cisho kadib markii SNM dhulka soo gashay ragii aanu ku kulanay Oog ayuu ahaa" ayuu yidhi wasiir Kaahin.

Wasiirka oo sidoo kale si sarbeebaysan uga jawaabay waraysi uu bixiyay guddoomiyaha gulaha wakiilada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed maal mihi la doortay kadib, ayaa sheegay in taariikh xumooyinka Somaliland ka dhacaya ay kamid tahay in la yidhaa haldoorkii gobolada bari badan koodu ma joogaan Somaliland sida uu sheegay guddoomiye Khaliif.

"Ayaan dhawaydna waxan maqlayay dad leh dadka gobolada Sool, Sanaag iyo Togdheer daga dad macno leh oo la taaban karo kamay iman, ee dadka hada yimid ayaa ugu soo horeeyay, taariikh xumooyinka Somaliland ka dhacaya ayay kamid tahay" ayuu yidhi wasiir Kaahin.

Xogeeyaha guud ee xisbiga waddani ayaa wasiir Saleebaan Cali Koore, ku eedeeyay in uu Somaliland ku joogo gunno, sidookale afhayeenka golaha wakiilada ayaa waraysi uu bixiyay mudo kahor ku sheegay in haldoorkii gobolada bariga Somaliland anay Somaliland joogin.

Abdilahi Abdirahman Mahamed, Hiiraan Online
[email protected]