4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 7 , 2021
Wasiirkii amniga Galmudug oo xilkii iska casilay, eedayna u jeediyay madaxweyne Qoorqoor
 

Khamiis, October, 7, 2021 (HOL) - Wasiirka amniga Galmudug, Axmed Macalin Fiqi ayaa goor dhowayd shaaciyay inuu iska casilay xilkii wasiirnimo ee amniga Galmudug, sida uu ku sheegay qoraal rasmi ah oo uu kusoo daabacay bartiisa Facbebook.

Wasiirka ayaa qoraalkiisa ku sheegay inuu madaxweynaha Galmudug u gudbiyey iska casilaadaydii xilka wasiirka amniga Galmudug, ka dib markii uu sheegay in ay isku fahmiwaayeen qaabka loo wajahayo khilaafka isaga iyo Ahlusunna Waljamaaca.

Fiqi ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Galmudug in uu doortay wadada dagaalka, isagoo adeegsanaya ciidamo Muqdisho laga soo daadgureeyey kuwaasoo sida uu sheegay aan wax talo ah laga siinin wasaaraddiisa amniga

“Anigu waxaan aan u soo jeediyey (Qoorqoor) wadada wadahadalka iyo dagaal la’aantu in ay ka sahlan tahay, ka dhib yar tahay, kana guul badan tahay middaas iyo sidoo kale in argagixisada Shabaab la dagaalankooda aan xoogga saarno una jihayno gulufka socda dhankooda,” ayuu yiri Fiqi.

Wasiirka amniga Galmudug wuxuu sheegay inuu shir jaraa’id dhowaan qaban doono ugana hadli doono xaaladda Galmudug ka taagan, fariinna uu ugu diri doono waxgaradka Galmudug ee samaha jecel.

Wasiir Fiqi wuxuu kamid ahaa wasirradda ugu saameyn badan wasiiradda Galmudug, iscasilaadiisa waxay tilmaamaysaa sida maamulka Galmudug ugu kala qeybsan tahay tallaabada laga qaadanayo Ahlsunna Waljamaaca.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online