Khamiis, October, 7, 2021 (HOL) - 40 sano jir kamid ah dadkii lagasoo barakaciyay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, ayaa magaalada Gaalkacyo ugu geeriyooday safmarka Covid19, sida ay HOL u sheegeen ilo katirsan saraakiisha caafimaadka Puntland.
newsinsideBukaanka ayaa la dhigay isbitaalka guud ee Gaalkacyo, iyadoo xaaladdiisa caafimaad aad looga deyrinayo, waxaana la xaqiijiyay inuu ugu dambayn shalay uu u geeriyooday Covid-19.
Geeridiisa ayaa keentay in saraakiisha caafimaad ay baaritaan ku sameeyaan dadkii dib u dajinta loogu sameeyay magaalada Garowe, si loo xaqiijiyo in ay ka bed qabaan cudurka.
Inkastoo aan natiijada baaritaanka la shaacin, haddana tirada dadka laga helay Covid-19 ee Puntland ayaa gaartay 48 qof, kadib baaritaan la sameeyay 24-saac ee lasoo dhaafay.
Lama hubo dadkaasi in ay qeyb ka yihiin dadka lagasoo barakaciyay magaalada Laascaanood ee baaritaan lagu sameeyay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online