4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 7 , 2021
Yaa lagu kashifay dokumentiyada Pandora ee daaha ka rogay hantida qarsoon ee hoggaamiyeyaal hore iyo qaar haatan ka arrimiya dalal ka mid ah adduunka?

Khamiis, October, 7, 2021 (HOL) - Baaritaan ballaaran oo caalami ah oo loogu magacdaray ‘dokumentiyada Pandora’ ayaa daaha ka rogay hab dhaqanka qaar ka mid ah madaxda adduunka iyo shaqsiyaad kale oo hanti farabadan oo isku geyn qiimiho ahaan gaaraya tiriliyan dollar ku qarsaday meelo ka fog dalalkooda, meelahaas oo sharciyadda ka jiraa aanay waajib ka dhigaynin in canshuur laga bixiyo dhaqaalaha laga keenay dalal kale. 

Baaritaankan dabagalka ah ee ay iska kaashadeen BBC, Wargeyska Guardian iyo warbaahin kale oo la daabacay Axaddii la soo dhaafay, waxay u dhabo-galeen in kabadan 11.9 milyan oo dokumenti oo ka soo baxay 14 shirkadood oo adeegyo maaliyadeed oo waxa loo yaqaano (Off-shore Financial Services) oo ah nidaam maaliyadeed meelo fogfog hantidooda ku qariyaan madaxd. Waxay ku ogaadeen in 35 madax dowladeed iyo in ka badan 300 oo siyaasiyiin ah ay sameysteen nidaam maaliyadeed iyo shirkaddo lacaga lagu qariyo oo ku yaal meelaha aan canshuuraha looga baahneyn sida Jasiiradaha British Virgin Islands, Seychelles, Hong Kong iyo Belize.

Marka laga soo tago siyaasiyiinta iyo madaxda dowladaha, fannaanadda Shakira iyo kabtankii hore ee Cricket -ka Hindiya Sachin Tendulkar ayaa ka mid ah dadka caanka ah iyo xiddigaha isboortiga ee lagu kashifay baaritaanka warbixinta Pandora. Waxay banaanka keentay sirta maaliyadeed ee qaar ka mid ah shaqsiyaadkan ladan ee awoodda u leh inay si xeeladeysan u baalmaraan shuruucda maaliyadda ee dalalka ay ka soo jeedaan.

Madaxda qaar waxay wajahayaan eedeymo musuq maasuq, lacagaha sharci darrada ah iyo inay baal mareen shuruucda canshuur celinta.

Boqorka Jordan, Boqor Abdullah wuxuu urursaday hanti ku dhow $100m (boqol milyan oo dollar) oo uu Maraykanka iyo Boqortooyada Ingiriiska kala dhigtay isagoo adeegsanaya shirkado qarsoodi ah. Waxaa la ogaaday shirkado shisheeye oo ku yaalla British Virgin Islands iyo meelo kale in loolla baxsado canshuurta, taasoo uu adeegsaday boqorka Cabdullaahi II bin Al-Xuseen, si uu iibsado 15 guri, tan iyo markii uu xilka qabtay sanadkii 1989. Waxaa shirkadahaasi la iibiyey intii u dhaxaysay 2003 iyo 2017 iyada oo loo sii marayo shirkado ka diiwaangashan goobaha hantida canshuuraha lagala baxsanayo lagu qariyo, waxaana hantidaas la galiyey iibsiga guryo ku yaala degaanka Malibu, koonfurta California, iyo Washington iyo London, sida warbixintu xustay.

Qasriga boqortooyada Jordan ayaa bayaan uu soo saaray Isniintii ku sheegay in lahaanshaha boqorka ee hantida gaarka ah ee uu ku leeyahay dalalka Ingiriiska iyo Mareykanka aysan ahayn wax looogu talogalay in la qariyo, iyagoo intaa ku daray in sababaha keenay inaan hore loo shaacin hantidiisa ay ahayd mid amni.

Dokumeentiyada Pandora waxay kaloo muujinayaan in xubno caan ah oo ka tirsan xukuumadda Ra’isulwasaaraha Pakistan Imran Khan, deeq -bixiyeyaasha xisbigiisa iyo xubnaha qoyska jeneraallada millateriga ee xoogga leh ay malaayiin doollar qarsadeen iyada oo loo marayo shirkaddo dalal kale. Hase ahatee, dukumiintiyada la helay kuma jiraan wax cadeyn ah oo muujinaya in Ra’isulwasaare Khan laftiisa uu hanti ku qarsaday shirkaddo shisheeye.

Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta iyo lix xubnood oo qoyskiisa ka mid ah ayaa lala xiriiriyay 13 shirkadood oo ah kuwa hantida qariya, sida ku cad dukumiintiyada. Maalgashigan qarsoodiga ah ee uu sameystay Kenyattas waxaa ka mid ahaa shirkad u heysa kayd iyo dammaanad maaliyadeed oo  gaaraya $30 milyan oo dollar, sida ay BBC werisay.

Tony Blair, oo ahaa ra'iisul wasaaraha hore ee Ingiriiska intii u dhaxaysay 1997 ilaa 2007, waxaa warbixinta lagu sheegay inuu yahay milkiilaha dhisme ku kacaya $8.8 Milyan oo dollar. Wuxuu iibsiga dhismahaas u maray inuu markii hore iibsaday shirkad ku taala jaziiradda British Virgin Islands oo dhismahaas laheyd. Iibsashada saamiyada shirkadd halkii laga dhisi lahaa dhismaha London waxay u badbaadisay qoyska Blair in ka badan $400,000-dollar oo canshuur hantiyeed ah, sida baaritaanka lagu sheegay.

Wargeyska Washington Post ayaa sheegay in haweeney Ruush ah oo lagu magacaabo Svetlana Krivonogikh oo xiriir jaceyl kala dhaxeeyay Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ay guri ka iibsatay Magaalada Monaco ee wadanka Faransiiska iyadoo u sii maraysa shirkad lagu qarsado hantidda.

Nidaamkan lagu magacaabo (Off-shore system) wuxuu sahlaa farsamooyin looga badbaadi karo inay canshuur bixiyaan, iyo inay ka baaqsadaan inay deyn -bixiyayaasha siiyaan deynta ay ku leeyihiin sida baaritaanka warbixinta Pandora lagu sheegay. Nidaamkani wuxuu kaloo u oggolaanayaa dadka hodanka ah inay raacaan xeerarka maaliyadeed ee waddan kale iyada oo aan looga baahnayn inay halkaas ku noolaadaan. Qiyaastii lacag gaareysa tiriliyanno dollar oo canshuur ah ayaan u soo xaroonin dowladaha ay ku noolyihiin shaqsiyaadka lagu xusay warbixinta Pandora.