4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 4 , 2021
Faysal Cali Waraabe "Dad ka reer Koonfur Galbeed sida loo raafay si qurux badan may ahayn"
 

Isniin, October, 4, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa ka horyimid habka ay xukuumada Somaliland u tarxiishay dadka kasoo jeeda maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, ee ku dhaqnaa magaalada Laascaanood.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in aanu la dhacsanayn habka xukuumada Somaliland u maamushay tarxiilka bulshada reer Koonfur Galbeed, waxa uu sheegay in ay fiicnayd in dadka lasiiyo ogaysiis iyo wakhti ay ku guuraan, isagoo intaa ku daray in dambi qof kali ahi galay aan bulsho dhan loo ciqaabi karin.

"Sida loo raafay si qurux badan may ahayn, waxay ahayd dadka in ogaysiis la siiyo, laba arrimoodba way xumaayeen, waa mid eh horta dadka in la wada ciqaabaa ma fiicna hadii la yidhi waa laga shakiyay, talabaadna waxay ahayd in dadka wakhti la siiyo" ayuu yidhi Faysal.

Xukuumada Somaliland oo kaashanaysa ciidanka booliiska ayaa maalintii Sabtida, magaalada Laascaanood ka bilowday howlgal lagu masaafurinayo dadk kasoo jeeda maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya. Ilaa iyo hada inta la hubo waxa gobolka Sool laga saaray 700 oo qof.



Abdilahi Abdirahman Mohamed, Hiiraan Online
[email protected]