4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 3 , 2021
Masar oo Soomaaliya u soo dirtay diyaarado milatari oo sida gargaar caafimaad
 

Axad, October, 3, 2021 (HOL) - Diyaarad militari oo Masaari ah oo ay ku raran yihiin gargaar caafimaad iyo daawooyin ah ayaa usoo ambabaxday Soomaaliya, si ay gacan uga geystaan taageerada shacabka Soomaaliyeed.

Gargaarkan waxaa bixiyay Wasaaradda Caafimaadka iyo dadweynaha, waxayna ku timid hirgelinta awaamiirtii Madaxweyne Abdel Fatah al-Sisi si, loo sii wado taageerada Masar ee dalalka saaxiibbada ah iyo kuwa kale ee ku jira dhibaatooyinka kala duwan.

Dowladda Soomaaliya ayaa mahadcelin u soo jeedisay dadaallada Masar iyo taageerada ay siiso dadka Soomaaliyeed, iyadoo ku nuuxnuuxsaday in kaalmada noocaas ahi ay ka tarjumayso niyadda walaalnimo iyo iskaashiga wadajirka ah ee ka dhexeeya labada shacab ee walaalaha ah.

Kaalmadan ayaa imaanaysa iyadoo la xaqiijinayo xoogga xiriirka taariikhiga ah ee Masar iyo Soomaaliya, kuna saleysan doorka hoggaamineed ee Masar ee ku aaddan waddamada qaaradda Afrika ee duruufaha kala duwan ku jira iyo siinta taageero buuxda iyo midnimo.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayay, ayaa bishii August bartamaheedii ee sannadkan, socdaal ku tagay dalka Masar, isagoo u tagay xoojinta xiriirka soo jireenka ah iyo iskaashiga labada dale ee Masar iyo Soomaaliya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online