4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 3 , 2021
Macalimiinta Dusgiyada Quraanka degmada Guriceel oo ku dhaawaqay iney xireen dugsiyada


Axad, October, 3, 2021 (HOL) - Macalimiinta dhigta dugsi Quraanada ku yaala degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa goob fagaare ah ka shaaciyay iney garab taagan yihiin oo ay taageerayaan ciidamada Ahlu Sunna Waljameeca ee la wareegay gacan ku heynta degmadaasi.

Macalimiinta ayaa sidoo kale sheegay inay xirnaan doonaan dugsiyada ay ku dhigayeen Quraanka Kariimka ilaa laga soo afjarayo dagaalka ay ku jiraan ciidamada Ahlu Sunna Waljameeca, waa sida ay hadalka u dhigeene.

"Hadii aanahay macalimiinta dugsiyada Quraanka degmada Guriceel waxaan cadeyneyna inaan garab u nahay ciidamada Ahlu Sunna oo aan dusgiyada furi doonin ilaa dagaalada ay ka joogsadaan" sidaas waxaa yiri mid ka mid ah Macalimiinta degmada Guriceel.

Macalimiinta ayaa sheegay sababta ay u xireen dugsiyada Quraanka iney tahay sidii ay uga qeyb qaadan lahayeen dib usoo celinta nabadgalyadii deegaanka oo ay sheegeen iney meesha ka baxday markii Culimada Ahlu Sunna laga saaray deegaanada Galgaduud.

"Anaga duulaan kuma nihin dowlada duulaan kuma nihin dowlad goboleedka ee waxaan diyaar u nahay inaan iska dhicino cadawga Khawaarijta" ayuu yiri mid ka mid ah Macalimiinta Guriceel.

Ciidamada Ahlu Sunna Waljameeca ayaa maalintii Jimcaha si buuxda ula wareegtay gacan ku heynta degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud waxaana wali taagan xiisad dagaal iyo cabsi farabadan oo ay dareemayaan shacabka degmadaasi.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]