Arbaco, October, 20, 2021 (HOL) - Puntland oo kaashanaysa hay’adda socdaalka adduunka ee Qaramada Midoobay ee IOM, ayaa 42 qaxooti ah oo kasoo jeeda Ethiopia oo ku noolaa magaalada Bosaso, dib ugu celisay dalkooda Ethiopia.
newsinsideQaxootigan oo diyaarad laga saaray magaalada Bosaso, ayaa si nabad galyo ah ku tagay dalkooda, iyagoo ka faa’idaysanaya barnaamijka IOM ee caawinta dadka doonaya in ay dalalkooda dib ugu laabtaan.
Qaxootigaan ayaa qaarkood waxay ku xanibnaayeen magaalada Boosaaso muddo bilo ah waxayna muujiyeen rabitaankooda ah inay ku noqdaan guryahooda.
Sannad kasta, kumanaan haween, rag, iyo carruur ah oo u badan Itoobiya, ayaa dhex mara magaalada Bosaso ee Puntland iyagoo doonaya inay u gudbaan Waddamada Khaliijka si ay u raadiyaan fursado wanaagsan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online