4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 2 , 2021
Mawliid Ismaaciil Digeed oo ah wariye ka howlgala Laascaanood oo xabsiga loo taxabay
 

Sabti, October, 2, 2021 (HOL) - Ciidamada Booliiska Somaliland ee Gobolka Sool, ayaa xabsiga u taxaabay Mawliid Ismaaciil Digeed oo ah wariye katirsan warbaahinta Halbeeg Media, oo ka howlgala magaalada Laascaanood.

Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa isla markiiba camabaareeyay xadhiga suxufiga, iyagoo ugu baaqay madaxda amaanka ee gobolka Sool in ay si dhakhso ah xorriyadiisa ugu soo celiyaan suxufi Digeed.

"Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA waxa uu ka soo horjeeda taalaaba kasta oo baalmarsan sharciga taasoo loo maro Xadhiga suxufiyiinta, waxananu u soo jeedinaynaa Laamaha amniga inay si deg-deg ah xorriyadiisa ugu soo celiyaan wariye Mawliida" ayaa lagu yidhi warbixin ay SOLJA soo saartay.

Xadhiga suxufi Digeed ayaa loo aanaynayaa, in ay sababtay kadib warbixino isdaba jooga uu 24 saacadood ee lasoo dhaafay uu ka sameeyay raaf uu booliiska Somaliland ee gobolka Sool ku rururinayo isla markaana, ku mastaafurinayo dadka kasoo jeeda Koofurta Soomaaliya ee gobolka Sool ka ganacsada.

Abdilahi Abdirahman Mohamed, Hiiraan Online
[email protected]