4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 2 , 2021
Somaliland oo masaafurinaysa dadka kasoo jeeda koonfurta Soomaaliya ee ku dhaqan gobolka Sool
 

Sabti, October, 2, 2021 (HOL) - Ciidamada Booliiska Somaliland ee magaalada Laascaanood ayaa raafaya dadka kasoo jeeda Koofurta Soomaaliya ee ku dhaqan magaalada Laascaanood, sida uu taliyaha booliiska gobolka Sool warbaahinta u sheegay.

Taliyaha Ciidanka Booliiska Somaliland ee Gobolka Sool Axmed Cabdillaahi Cabdi, oo laga waraystay sababta keentay in ay mastaafuriyaan dadka kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya ee ku dhaqan gobolka ayaa sheegay in dadkaasi ay yihiin ajaanib aan Somaliland u dhalan.

"Anaga waanoo ajinabi oo Itoobiyanka iyo iyagu waa iskugu kaaya mid, sidaa darteed ayaanu u raafaynaa oo aanaan u ogolayn in ay sii joogaan, Somaliland Soomaaliya kama mid aha mar baanu u tagnay markiina waanu kusoo hungownay, markaa dadkan ajaanib ahaan ayaanu u u rurinaynaa, nin aan Laascaanood u dhalana ma joogayo" ayuu yidhi taliyuhu.

Taliyaha oo wax laga waydiiyay sida ay noqonayso xaalada dadka rayidka ah ee booliisku mastaafurinayaan, ayaa yidhi "dadka Soomaaliya kasoo jeeda ee la mastaafurinayaa, dadka Sucuudiga lagasoo tarxiilo ayay la xaalad yihiin".

Waxa gobolka Sool ku sugan wafti wasiiro ah oo uu hogaaminayo wasiirka amniga ee Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, oo gobolka u jooga indha indhaynta iyo xal u helista xaalada amaanka ee gobolka oo aan fiicnayn kadib markii saraakiil xukuumada iyo xisbiyada mucaaradka ka tirsan dilal loogaystay.

Xukuumada iyo saraakiisha amaanka midna ma caddayn in raafka dadka kasoo jeeda koonfurta Soomaaliya ay sabab u tahay dadaalada lagu adkaynayo amniga gobolka marka laga yimaado hadalka taliyaha booliska ee ah in ay yihiin ajaaniib.

Abdilahi Abdirahman Mohamed, Hiiraan Online
[email protected]