4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 2 , 2021
Hoggaamiyaha Ahlu Sunna " Galmudug waxaa u fududaatay iney nala dagaalamaan, halkii Shabaab ay kala dagaalami lahayeen"
 

Sabti, October, 2, 2021 (HOL) - Hoggaamiyaha Ahlu Sunna Waljameeca Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa faahfaahin ka bixiyay sababta keentay inay dib ula wareegaan ciidanka Ahlu Sunna degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Sheekha oo wareysi siiyay laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in maamulka Galmudug meeshuu kala dagaalami lahaa Al-shabaab ay u fududaatay iney soo weeraraan culimada Ahlu Sunna.

"Anaga waxaan u imaanay deegaanadeena in siyaarta qaar ka mid aheyd Culimadeena, kadib waxaan aragnay dhibaatada cadawga shabaab uu ku haayo dhulka waxaana ku dhawaaqnay dagaal ka dhan ah Al-shabaab, maamulkii Galmudugna meeshuu Shabaab kala dagaalami lahaa inaga ayuu nagu soo duulay" ayuu yiri Hoggaamiyaha Ahlu Sunna Sheekh Maxamed Shaakir.

Waxuu intaasi ku daray Sheekh Shaakir iney u taagan yihiin oo ay diyaar u yihiin in la hagaajiyo waxyaabaha ka qaldan maamulka Galmudug oo uu sheegay iney diidan yihiin dadkii mudada dheer gacanta kusoo haayay gobolka Galgaduud.

Waxa sidoo kale hadalkiisa ka mid ahaa hoggaamiyaha Ahlu Sunna iney diyaar u yihiin wadahadal kasto oo lagu dhameeyn karo hagaanjinta maamulka Galmudug.

Hadalka hoggaamiyaha Ahlu Sunna Sheekh Shaakir ayaa imaanaya xili maalintii khamiista aheyd ay ciidamada Ahlu Sunna iyo kuwa Galmudug ay ku wada dagaalameen deegaanka Bohol ee duuleedka magaalada Dhuusamareeb, islamarkaana Shalay galinkii dambe ay ciidamada Ahlu Sunna ay si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]