1/18/2022
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 16, 2021
Shil sababay dhimasho badan oo caawa ka dhacay galbeedka Hargaysa
 

Sabti, October, 16, 2021 (HOL) - 5 qof ayaa ku dhintay tirro kalena way ku dhaawacmeen shil baabuur oo ka dhacay deegaanka Maqaaxida-inanta ee duleedka galbeed ee magaalada Hargaysa.

Shilka ayaa ka dhashay kadib markii gaadhi Nooha ah oo dad sida iyo baabuur Dhayne ahi isku dhaceen, sida uu warbaahinta u sheegay sarkaal katirsan Ciidanka Booliiska Somaliland oo ku sugan Isbitaalka Guud ee Hargaysa oo la dhigay maydadka dadka dhintay, isla markaana, lagula tacaalayo dhaawacyada.

"Waxa shil aad iyo aad u xanuun badani ka dhacay Maqaaxida-inanta, ilaa hada 5 qof ayay dhimashadu maraysa 3 dumar ah, ilmo-yar iyo ninkii Noohada waday ayaa dhintay" ayuu sarkaalku warbaahinta u sheegay.

Ehelada dadka dhibaatadu soo gaadhay ayaa ku soo xoomay Isbitaalka Wayn ee Hargaysa, oo la dhigay maydadka dadka shilka ku dhintay isla markaana, lagu dabiibayo dadka dhaawacmay.

Abdilahi Abdirahman Mohamed, Hiiraan Online












Click here
10/16/2021 1:41 PM EST
Sabti, October, 16, 2021 (HOL) - Golaha Deegaanka ee Degmada Laascaanood ayaa bulshada ugu baaqay in ay muddo 7 cisho gudaheed ah ku xidhaan dhamaan luuqyada magaalada ee guryaha u dhexeeya, si nabadgalyada loo sugo.

10/16/2021 8:09 AM EST
Sabti, October, 16, 2021 (HOL) - Qaraxaan oo ahaa mid aad u xoogan ayaa laga maqlay inta badan xaafadaha Magaalada Baledweyne ayaa ka dhacay gudaha Saldhiga Booliiska degmada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

10/16/2021 7:18 AM EST
Sabti, October, 16, 2021 (HOL) - Ciiddanka Ahlusunna Waljamaaca ayaa maanta oo sabti ah dhoolo-tus milatari kusoo bandhigay magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud, halkaas oo ay todobaadyo ka hor si nabad galyo ah kula wareegeen.

10/16/2021 4:32 AM EST
Sabti, October, 16, 2021 (HOL) - Waxaa goordhaw oo maanta ah dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya wafdigii dowladda Fedaraalka Soomaaliya uga qeyb galay dhageysigii go'aankii Maxkamada Caddaaladda Aduunka ee ICJ kaga gaartay kiiskii dacwada Badda ee u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Kenya.

10/16/2021 4:12 AM EST
Sabti, October, 16, 2021 (HOL) - Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa sheegtay Masuuliyada weeraro xalay lagu kala dilay saraakiil ka kala tirsaneyd maamulada Jubbaland iyo Koofur Galbeed.

10/16/2021 2:19 AM EST
Sabti, October, 16, 2021 (HOL) - Shirkadda adeegga lacagaha ee Dahabshil Group ayaa lacag dhan Saddex boqol oo Kun oo dollar ugu deeqday qoysaskii laga soo masaafuriyey magaalada Laascaanood, kuwaas oo haatan ku sugan magaalada Baydhabo.

10/16/2021 1:26 AM EST
Sabti, October, 16, 2021 (HOL) - Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo ku sugan Washington DC ayaa la kulmay Wakiilka Joogtada ah ee Faransiiska u fadhiya Qaramada Midoobay, Nicolas De Reviere.

10/16/2021 1:23 AM EST
Sabti, October, 16, 2021 (HOL) - Booliiska ka hortagga argagixisada ayaa hoggaaminaya baaritaanka weerarkii mindida loo adeegsaday ee lagu dilay xildhibaan UK ah oo ka katirsan xisbiga Conservative, kaas oo lagu magacaabo jiray Sir David Amess.