4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 15, 2021
Odayaasha dhaqanka magaalada Guriceel oo Ahlu Sunna ka dalbaday iney ciidamadooda kala baxaan Guriceel
 

Jimco, October, 15, 2021 (HOL) - Odayaasha iyo waxgaradka ku nool degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa ugu baaqay maamulka Ahlu Sunna Waljameeca iney kala baxaan ciidankooda gudaha magaalada si aanan loogu dul dagaalamin.

Waxgaradka Beesha Ceyr oo Shirjaraa'id ku qabtay gudaha degmada Guriceel ayaa warbaahinta u sheegay iney kulan la qaateen Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ah hoggaamiyaha Ahlu Sunna ay kala hadleen inuu ciidamadooda uu ka saaro gudaha magaalada, islamarkaana ay kusoo gacan sereen.

"Anagoo ah Odayaashii Curadka Beesha Ceyr waxaan u tagnay oo aan kulan la qaadanay Sheekh Maxamed Shaakir oo aan kala hadalnay inuu ciidamada Ahlu Sunna uu ka dhex saaro gudaha magaalada Guriceel si uusan u dhicin dagaal saaameya dadka shacabka ah iyo hantidoodaba, lakiin wuu inaga diiday arinkaasi oo wax aqbal ah kama helin, dalkana waxuu leeyahay maamul, waxii saacadaan laga bilaabo waxaan cadeyneyna ineysan gacanteyna waxba ku jirin oo wax badan waxaan fileynay inaanwadahadal wax ku dhameyno oo warkeena isma laheyn in nalagu diidayo, marka Galmudug ayaa deegaanka xil ka saaran yahay inaga waxaan xeerineynay waanagala aqbali waayay" ayuu yiri mid ka mid ah Odayaasha Beesha Ceyr.

Waxgaradka degmada Guriceel ayaa sidoo kale sheegay in Sheekh Shaakir ay u sheegeen in magaalada uu ciidanka kala baxo oo hadey doonayaan iney dagaalamaan banaanka magaalada iyo meelaha dagaalka ku haboon ay tagaan si dadka marasta ah uga baaqsadaan in lagu dul dagaalamo.

"Hadii dagaal huro uu yahay Sheekh Shaakir waxaan u sheegeyna inuu jiro meelo la yiraahdo kala reebto oo lagu dagaalami karo ee meelahaas ha tago haduu wadahadal diyaar u yahayna waa arin wanaagsan, marka Galmudug waxaa ku mideysan 11 qabiil mana garan karno waxa kaligiis ka maqan" ayuu yiri mid ka mid ah Odayaasha Beesha Ceyr.

Hadalka odayaashan ayaa imaanaya xili saacadahii lasoo dhaafay barakacii ugu xoogaana uu ka jiray xaafadaha magaalada Guriceel oo laga cabsi qabo inuu ka qarxo dagaalo qaraar oo u dhaxeeya Ahlu Sunna iyo Galmudug.



Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]