4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 13, 2021
Faahfaahino kasoo baxaya qarax khasaare badan geystay oo lala eegtay ciidamada Kenya
 

Arbaco, October, 13, 2021 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax khasaare xoogan geystay oo lala beegsaday ciidamo ka tirsan Militariga dalka Kenya oo ku socdaalayay deegaano ka tirsan gobolka Lamu.

Qaraxa oo la sheegay inuu ahaa miino nooca dhulka lagu aaso oo laga hago meelaha fog fog ayaa haleelay gaari ay saarnayeen ciidamo Kenyaan ah xili ay marayeen inta u dhaxeysa deegaanada Baargooni iyo Milimani ee gobolka Lamu.

Wararku waxay sheegayaan inuu qaraxa geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray ciidamada lala beegsaday, walow aanan la ogeyn inta uu dhan yahay khasaaraha uu geystay qaraxaasi.

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa sheegtay masuuliyada qaraxa miino ee lala eegtay ciidamada kenya oo ay sheegeen iney ku dhinteen ilaa 14 askari oo saarnaa gaariga uu haleelay qaraxa miino.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka ciidamada Kenya oo ku saabsan qaraxa miino ee ay Al-shabaab sheegeen iney ku dileen 14 askari sidoo kalana dhaawacyo ku gaarsiiyeen ciidamo ka tirsan Militariga dalka kenya oo ku safraayay inta u dhaxeeysa deegaanada Baargooni iyo Milimani ee gobolka Lamu ee dalka Kenya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]