4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 13, 2021
Ingiriiska oo malaayiin dollar ku maalgalinaya Dekedda Berbera
 

Arbaco, October, 13, 2021 (HOL) - Shirkada lagu magacaabo CDC ee maalgalinta u qaabilsan dowlada Ingiriiska, ayaa ku dhawaaqday in ay 320  milyan oo dollar ku maalgalinayso 3 dekedood oo ay ku jirto  Dekedda Berbera.

Shirkada ayaa sheegtay in ay lacagtan ku maal galinayso  dekedaha kala ah Dekeda Dakar ee Senegal, Dekedda Sokhna ee Masar iyo Dekedda Berbera, sida ay xogeeyaha arrimaha dibada Ingiriiska Lis Truss ku baahisay Twitter keeda.

Agaasimaha maalgashiga ee Shirda CDC Richard Charlton, oo waraysi fogaan arag ah siiyay muuqbaahiyaha MMTV isaga oo ku sugan magaalada Dubai, ayaa sheegay in ay shirkada dekedaha ee DPworld oo horay maalgalin malaayiin dollar ah ku samaysay dekeda Berbera ay kala shaqaynayaan maal galin  cusub oo Dekkeda Berbera ay ku samaynayaan.

"Maalgashigan aanu maanta shaacinaynaa waa ada shaqayn aanu shirkada DPworld kala yeelanayno sidii aanu maalgashi ugu samayn lahayn qaarada Afrika, waxaana aanu maalgashi ku samaynaynaa Dekedda Dekar ee dalka Senegal, Dekedda Sokhna ee Masar iyo Dekedda Berbera ee Somaliland" ayuu yidhi Charlton.

Charlton ayaa sheegay in maalgalintan kadib uu sare u kici doono wax soo saarka Dekedda Berbera isla markaana, ay door la xaadle ka ciyaari doonto koboca dhaqaalaha Somaliland  ayna shaqo abuur u samayn doonto in ka badan hal milyan oo shacabka Somaliland ah.

"Waxaanu DPworld ka caawinaynaa balaadhinta Dekedda Berbera, loojistikada, marinka Berbera Corridor iyo horumarinta iyo derder-galinta howlaha Dekedda Berbera, waxaana aanu aaminsanahay in marka la gaadho sannadka 2035 in dekedu abuuri doonto dhaq dhaqaaq ganacsi oo u dhigma 6% koboca dhaqaalaha Somaliland iyo 1.6 milyan oo shacabka Somaliland ka mid ahi ay ka faa'iidaysan doonaan shaqa abuur kaasi"  ayuu yidhi Charlton.

Charlton ayaa sheegay in shirkadu ay 400 oo milyan oo dollar oo kale ay ku maalgalin doonto horumarinta dekedaha Afrika marka ay maalgalintani dhamaato.



Abdilahi Abdirahman Mohamed, Hiiraan Online
[email protected]