4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 13, 2021
Madaxweyne Farmaajo: Kenya waa inay u aragto go'aanka maxkamadda ICJ fursad lagu xoojinayo xiriirka labada dal
 

Arbaco, October, 13, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku boorriyay Kenya inay “ixtiraamto sharciga caalamiga ah” ka dib markii maxkamadda ugu sarreysa ee Qaramada Midoobay ay Soomaaliya u xukuntay inta badan bad-weynta gaaska hodanka ku ah ee Hindiya.

Khudbad uu ka jeedinayay telefishinka xukunka kadib, ayuu madaxweyne Farmaajo ku sheegay in Nairobi ay tahay inay u aragto go'aanka maxkamadda inuu yahay fursad lagu xoojinayo xiriirka labada dal.

“Tan iyo maalintii la doortay, waxaan la kulannay cadaadis siyaasadeed, mid diblomaasiyadeed, mid amni iyo mid dhaqaale oo iiga yimid hoggaanka Kenya,” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Xukunka ICJ ayaa ah mid kama dambeys ah oo aan racfaan laga qaadan karin, laakiin maxkamadda, oo la aasaasay Dagaalkii Labaad ee Adduunka ka dib si ay u xalliso khilaafaadka u dhexeeya dowladdaha Qaramada Midoobay ee khilaafyadu soo kala dhexgalaan.

Aag baddeedka loo xukumay Soomaaliya, ayaa la rumeysan yahay inay ku jiraan gaas iyo saliid badan. Sidoo kale waxaa ku jira kalluun badan oo muhiim ah.

Xukuumada Nairobi ayaa horey heshiis sahmin ah ugula gashay aag baddeedkaan, shirkadda tamarta ee ENI ee laga leeyahay dalka Talyaaniga.



Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online