4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 12, 2021
Gudida Doorashooyinka Itoobiya oo shaaciyay natiijada doorashadii dhawaan ka dhacday dowlad degaanka Soomaalida

Talaado, October, 12, 2021 (HOL) - Gudida doorashooyinka Itoobiya ayaa war saxaafadeed ay soo saareen ku shaaciyay natiijada rasmiga ee doorashadii dhawaan ka dhacday dawlad degaanka Soomaalida.

Gudida ayaa sheegay in dhammaan kuraastii uu degaanku ku lahaa heer fadaraal oo dhanayd 23 kursi uu ku guulaystay xisbiga talada haya ee Barwaaqo.

Sidoo kale guddida ayaa shaaciyey 263 xildhibaan oo ka mid ah 273 xildhibaan ee heer degaan, taas oo uu ku guulaystay xisbiga Barwaaqo 262-xildhibaan, halka soo harayna uu helay musharax madax banaan.

Geesta kale guddida ayaa xusay in dib laga shaacin doono 10ka xildhibaan ee hadhay oo kasoo kala baxaya Jigjiga iyo Mayu oo ka tirsan Gobolka Erar.

Natiijada doorashadan ayaa ahayd mid dadku ay badankood sii garanayeen waxa kasoo baxaya, maadaama waxa tartamayay  kaliya uu ahaa xisbiga talada haya ee Barwaaqo iyo xogaa musharixiin madax banaan, iyadoo bilowgiiba ay qaadaceen xisbiyadii mucaaradka kuwoodii u waawaynaa sida ONLF iyo FEP oo sheegay in si sax ah aan loo maamulin qaab socodkii doorashada oo wax is daba marin ay jirtay waa siday hadalka u dhigeene.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]