10/27/2021
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 12, 2021
Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay go'aanka maxkamadda ICJ ee kiiska badda
 

Talaado, October, 12, 2021 (HOL) - Madaxweynaha dowladda federalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caawa jeediyey khudbad ku saabsan guusha taariikhiga ah ee go'aanka Kiiska Badda Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa khudbadiisa si kulul ugu weeraray dowladda Kenya, wuxuuna soo bandhigay halgankii loo soo maray Kiiskan, caqabadihii kuu xeernaa iyo aragtida daris wanaagga ku dhisan ee Dowladda Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa u mahad celiyay maxkamadda caddaaladda adduunka oo uu ku ammaanay in ay u hiliisay sarraynta sharciga. Isagoo  sheegay xukunkaan inuu  ka turjumayo daah-furnaanta iyo madax bannaanida maxkamadda ICJ.

Madaxweynaha  Soomaaliya ayaa u mahad celiyay barlamaankii 8-aad ee Soomaaliya, kuwaas oo diiday heshiiskii arrimaha badda ee is-afgaradka ahaa ee dhexmaray Kenya iyo Soomaaliya.

Waxa uu madaxweynuhu khudbadiisa ku sheegay in dowladda Kenya oo looga guulaystay kiiska badda ay marar badan isku dayeen in meel ka baxsan maxkamadda ICJ lagu xalliyo kiiska badda.

"Saddex bilood markaan joogay talada dalka, ayay Kenya bilowday faro galin joogto ah oo ay ku doonaysay in ay nagaga leexiso dariiqa saxda ah ee aan ku wajahayno kiiska badda," ayuu yiri madaxweyne Farmaajo, oo dhinaca kale sheegay in ay Kenya dadaal kasta ku bixisay sidii loo cuuryaamin lahaa Soomaaliya, si aanay u difaacan baddeeda.

Ugu dambayn madaxweyne Farmaajo ayaa ugu baaqay Kenya in ay tixgaliso go'aanka kasoo baxay maxkamadda ICJ. Wuxuuna sheegay dowladda Soomaaliya in ay adkaynayso nabad kuwada noolaan labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online












Click here
10/12/2021 6:11 PM EST
Talaado, October, 12, 2021 (HOL) - Gudida doorashooyinka Itoobiya ayaa war saxaafadeed ay soo saareen ku shaaciyay natiijada rasmiga ee doorashadii dhawaan ka dhacday dawlad degaanka Soomaalida.

10/12/2021 10:37 AM EST
Talaado, October, 12, 2021 (HOL) - Maxkamada Cadaaladda Aduunka ee ICJ ayaa goordhaw si rasmi ah ugu xukmisay dalka Soomaaliya lahaanshaha dhul badeed ay dowladda Kenya murum galisay.

10/12/2021 10:33 AM EST
Talaado, October, 12, 2021 (HOL) - Xaliimo Aw Cumar Faarax (Xaliimo Biritish) oo kamid ah qurbajooga Somaliland, ayaa lacag dhan $20,000 oo ay xalay balan qaaday ku wareejisay xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun, kadib, markii wasiirka gargaarka ee Soomaaliya Khadiija Maxamed Diiriye ay kala noqotay lacag ay hore ugu balan qaaday Batuun, si uu baabuur u siisto.

10/12/2021 8:09 AM EST
Talaado, October, 12, 2021 (HOL) - Bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, ayaa lagu diiday hindisaha hawlgalka wadajirka ah ee Qaramada Midoobay iyo midowga Afrika ee la doonayo in laga hirgaliyo Soomaaliya sannadka soo socda 2022.

10/12/2021 7:56 AM EST
Talaado, October, 12, 2021 (HOL) - Wararka ka imaanaya degmada Deyniile ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in qarax miino nooca dhulka lagu aaso ah lagu khaarajiyay Taliyahii Nabadsugida degmada Deyniile Cabdishakuur Raage xili oo ku sugnaa duuleedka degmadaasi.

10/12/2021 5:26 AM EST
Talaado, October, 12, 2021 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa maanta rajo aad u weyn ka muujinaysa in ay ku guulaysan doonto dacwadda kiiska badda oo galabta lagu wado in maxkamadda ICJ ay si rasmi ah ugu dhawaaqdo, sida uu qorshuhu yahay.

10/12/2021 4:03 AM EST
Talaado, October, 12, 2021 (HOL) - Hal askari oo katirsan ciiddanka Puntland ayaa ku dhintay, dhowr kalena way ku dhaacmeen iska hor imaad xalay ka dhacay magaalada Garowe, oo dhexmaray ciiddanka amniga iyo rag ka ganacsada maandooriyaha.

10/12/2021 3:27 AM EST
Talaado, October, 12, 2021 (HOL) - Sheekh Maxamed Ibraahim Shakuul oo kamid ah culimada Soomaaliyeed ee dalka Kenya, kana mid ah xubnaha guddiga ganacsatada ee Xaafadda Islii ayaa ka digay in mudaharaadyo iska soo horjeeda ay ka dhacaan xaafadda Soomaalida ee islii, kadib Go'aanka dhinaca badda ee la filayo inuu maanta kasoo baxo Maxkmadda Cadaaladda Aduunka ee ICJ.

10/12/2021 2:42 AM EST
Talaado, October, 12, 2021 (HOL) - Kooxo hubeysan oo burcad Koofur Afrikaan ah ayaa Xalay muwaadin Soomaaliyeed ku dilay goobtiisa ganacsi oo ku tiilay magaalada Quenstown ee gobolka Eastern Cape ee dalkaasi Koofur Afrika.

10/12/2021 1:33 AM EST
Talaado, October, 12, 2021 (HOL) - Waxaa maanta oo Talaado ah lagu wadaa in Maxkamada Cadaaladda Aduunka ee ICJ iney ku dhawaaqdo go'aanka kiiska dacwada Badda ee u dhaxeeysay dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.