4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 12, 2021
Soomaaliya oo ku guuleysatay Kiiskii Dacwada Badda ee kala dhaxeeyay Kenya
 

Talaado, October, 12, 2021 (HOL) - Maxkamada Cadaaladda Aduunka ee ICJ ayaa goordhaw si rasmi ah ugu xukmisay dalka Soomaaliya lahaanshaha dhul badeed ay dowladda Kenya murum galisay.

Maxkamada Caalmiga ah ee ICJ waxay diiday doodda ugu weyn ee Kenya oo ku doodaysay inuu jiro xad u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya oo la barbar ah xariiqa loolka.

Dooda labada dal ayaa aheyd Soomaaliya oo mowqifkeedu ahaa in xadaynta lagu saleeyo laynka tooska ah ee ku astaysan xuduudda badda, halka Kenya ay dooneysay in xariiqda lagu saleeyo loolka.

Maxkamadda waxay sameysay xariiq cusub oo ah xuduud badeedka labada dal, ee Soomaaliya iyo Kenya sida ka muuqata xariiqda cusub, inta badan dhul badeedkii ay sheegatay Kenya waa la diiday waxaana loo xukumay dowladda Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee inyar ayaa sidoo kale laga reebay dhul-badeedkii ay sheegatay Soomaaliya, oo ka billaabata 12 mile xariiqda tooska ah ee ku aadan xuduudda dhulka, iyadoo dhul badeedka la isku haayay uu dhamaa 100,000 oo isku wareeg KM ah.

Xukunkaan ayaa imaanaya xili dowladda Kenya ay horey u sheegtay in aysan u hoggaansami doonin go’aanka Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ee ICJ, waxaana xusid mudan in dowladda Kenya ay marar badan ku guul darreystay isku day ay ku dooneysay in wadahadal lagu dhameeyo kiiska dacwada ee kala dhaxeeyay Soomaaliya.


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]