4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 12, 2021
Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun oo $20,000 lagu wareejiyay
 

Talaado, October, 12, 2021 (HOL) - Xaliimo Aw Cumar Faarax (Xaliimo Biritish) oo kamid ah qurbajooga Somaliland, ayaa lacag dhan $20,000 oo ay xalay balan qaaday ku wareejisay xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun, kadib, markii wasiirka gargaarka ee Soomaaliya Khadiija Maxamed Diiriye ay kala noqotay lacag ay hore ugu balan qaaday Batuun, si uu baabuur u siisto.

Xaliimo Biritish, ayaa jeeg ay ku saxeenatay 20,000 oo dollar farta ka saartay xildhibaan Batuun isla maantaba, munaasibada warbaahintu ka qay gashay oo ka dhacday xaafada Daami ee magaalada Hargaysa, waxayna ugu talo gashay in Batuun lacagtaa ku iibsado baabuur kuwa raaxada ah.

Waxay Xaliimo Biritish hadalka Wasiir Khadiija ku tilmaantay mid cid kale soo dhex marisay, oo la doonayay in Somaliland lagu wax yeeleeyo, waxayna sheegtay in ay isla markiiba ka jawaabtay si ay Somaliland u difaacdo.

"Wax iyada kaligeed ka yimid maaha, ee waa wax lasoo dhexmarinayo oo malaha ay is lahayd aad Barkhad kuyara beer laxawsatid, oo waxay u arkaysay nin dhalinyar ah oo ay mawqifkiisa badali karto, anigu waxan u arkayay Khadiija oo lasoo dhexmarayo oo Somaliland la tooganayo aniguna askari Somaliland difaacaya ayaan ahaa" ayay tidhi Xaliimo Biritish.

Batuun ayaa dhankiisa sheegay in uu ka guddoomay hadiyada ay Xaliimo u keentay, isla markaana u mahadnaqay.

"Walashay aad baan ugu mahadnaqayaa, waxan uga mahadnaqayaa in ay i maamuustay, dareen wanaagsan ayay la timid, waan ka guddoomay hadiyada ay ii keentay, 20,000 ee dollar ee walashay i guddoonsiisay" ayuu yidhi Batuun.

Batuun ayaa sidookale sheegay in uu lacagtaa  iyo lacag uu jeebkiisa kaga daray ku bilaabi doono xarun caafimaad oo laga hirgalin doono xaafada Daami ee magaalada Hargaysa.

"Anigu gaadhi ku wadan maayo, lakiin, wax iyada waanaag u ah, qarankana wanaag u ah oo baahi deegaanka taalo ah ayaanu doonaynaa in aanu samayno, xaafadu xarun caafimaad ayay u baahantahay, aniguna $10,000 ayaan ku darayaa, $30,000 waxan doonayaa in aan ku wareejiyo odayaasha si deg deg ahna loo bilaabo xaruntaa caafimaad" ayuu yidhi Batuun.

Wasiirka gargaarka ee Soomaaliya ayaa xalay sheegtay in ay la noqotay baabuur ay hore ugu balan qaaday xildhibaan Batuun, kadib markii, uu guusha wayn kasoo hooyay doorashooyinkii wakiilada Somaliland, Khadiija ayaa Barkhad baabuurka kala noqotay kadib markii, ay ku qaniiintay sida uu uga falceliyay qadiyada dadka xukuumada Somaliland ka tarxiishay gobolka Sool iyo jawaab uu siiyay raysal wasaaraha Soomaaliya oo ka hadlay raafka.

Abdilahi Abdirahman Mohamed, Hiiraan Online
[email protected]