4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 12, 2021
Qarax Miino oo lagu khaarajiyay Taliyahii Nabadsugida degmada Deyniile
 

Talaado, October, 12, 2021 (HOL) - Wararka ka imaanaya degmada Deyniile ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in qarax miino nooca dhulka lagu aaso ah lagu khaarajiyay Taliyahii Nabadsugida degmada Deyniile Cabdishakuur Raage xili oo ku sugnaa duuleedka degmadaasi.

Taliyaha qaraxa miino lagu khaarajiyay ayaa la sheegay inuu saarnaa gaari nooca Soomaalida u taqaano Cabdibile, waxaana qaraxa lala beegsaday xili ay howlgalo ka wadeen duuleedka degmada Deyniile.

Waxaa sidoo kale qaraxa ku dhintay saddex askari oo ka mid ahaa ilaalada taliyaha dhintay sida ay warbaahinta u sheegeen dad goobjoogayaal ah, waxaana sidoo kale dhaawac uu soo gaaray dad goobta ka agdhawaa kuwaas oo dhaawacooda la geeyay mid kamid ah Isbitaalada Magaalada Muqdisho.

Al-shabaab ayaa sheegatay masuuliyada qaraxa miino ee lagu dilay taliyahii Nabadsugida degmada Deyniile iyo 11 kale oo askari oo la socotay si ay kusoo daabaceen boggaha ay ku leeyihiin baraha bulshada ay ku xiriirto ee Internet-ka.

Qaraxa miino ee maanta lagu dilay taliyahii Nabadsugida Deyniile ayaa imaanaya xili masuuliyiin kale oo ka tirsanaa maamulka Deyniile horay loogu khaarajiyay qaraxyo kala duwan.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]