4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 11, 2021
Guddiga ganacsatada Kenya oo ka digay in Soomaalida ku dhaqan Nairobi u dabaal degaan go'aanka maxkamadda ICJ ku dhawaaqayso
 

Isniin, October, 11, 2021 (HOL) - Guddiga ganacsatada Soomaaliyeed ee xaafadda Islii ee magaalada Nairobi, ayaa digniin kasoo saaray in Soomaalida ku dhaqan Nairobi ay u dabaal dagaan go’aanka kiiska badda ee berrito ay ku dhawaaqayso maxkamadda caddaalada.

Cumar Ibraahim Xuseen, oo ah xoghayaha guddiga ganacsatada, ayaa sheegay in ay taageersan yihiin mowqifka dowladda Kenya ka qaadatay go’aanka maxkamadda kasoo bixidoona maalinta berri ah.

Xoghayaha guddiga ganacatadu wuxuu sheegay in aanay jirin cabsi ganacsatadu ka muujinayaan falcelinta ka dhalata go’aanka maxkamadda.

Balse wuxuu sheegay in rabshado ka dhalan karaan haddii Soomaalidu ku sugan Nairobi ay dabaal deg sameeyaan, iyagoo ka falcelinaya go'aanka maxkamadda ICJ.

“Dalkan aan joogno waa Kenya, waxaan ku leennahay xuquuq, dhaqaale badan ayaa nooga jira. Marka waa in aan is-ilaalino, oo aan ka hortagno wax alle wixii dhibaato ummadda u soo jiidaya,” ayuu yiri Cumar Ibraahim.   

Berri, maxkamadda ICJ, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqi doonta xukunka dacwadda badda ee Soomaaliya iyo Kenya, waxaaana loo badinayaa in Soomaaliya ay ku guulaysato kiiska badda.

Waxay ahaan doontaa guul taariikhi ah oo laga gaaray dadaalkii loogu jiray badbaadinta qeyb kamid ah badda Soomaaliya, oo ay xoog ku haysatay Kenya.

 

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online