4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 11, 2021
Guddiga Doorashada heer Fedaraal iyo heer dowlad goboleed oo Baledweyne kulan kula qaatay madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle
 

Isniin, October, 11, 2021 (HOL) - Xubno ka socday guddiga doorashooyinka heer Fedaraal iyo heer dowlad goboleed ayaa maanta magaalada Baledweyne kulan kula qaatay Madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed.

Yuusuf Dabageed ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Baledweyne kadib markii uu magaalada Jowhar kaga qeybgalay doorashadii Aqalka sare ee Hirshabeelle oo ka qabsoontay magaalada Jowhar.

Madaxweyne kuxigeenka ayaa xubnaha guddiga waxaa uu warbixin ka siiyay xaalada Magaalada Beledweyne iyo sida uu Maamulka Hirshabeelle ugu diyaarsan yahay qabashada doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya.

Xubnaha Guddiga doorashooyinka Heer Federaal ayaa Madaxweyne kuxigeenka Hirshabeelle ka codsaday inuu kala Shaqeeyo sidii loo dardar gelin lahaa doorashada Aqalka Hoose iyo adkeynta amniga Magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Saacadaha soo socda ayaa waxaa la filayaa in guddiga doorashooyinka Heer Federaal ay kormeer amni ku tagaan goobaha loo asteeyay in lagu qabto doorashada 25-ka kursi ee Golaha Shacabka ku matala gobolka Hiiraan.

Caqabada ugu badan ayaa waxaa ay ka imaan karta shacabka gobolka Hiiraan oo diidan inuu Baledweyne yimaado madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe oo sida qorshuhu yahay inuu isagana yimaado Baledweyne oo doorashadaasi uu wax ka qabto.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]