4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 11, 2021
Golaha Midowga Musharaxiinta oo war kasoo saaray dib u dhaca ku yimid doorashada dalka
 

Isniin, October, 11, 2021 (HOL) - Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa war qoraal ah oo ay soo saareen waxay ku sheegeen iney walwal aad u weyn ka qabaan dib u dhaca doorshada iyo tafaraaruqa siyaasadeed ee ka jira dalka oo ay sheegeen in xaalad hubaanti la'aan dhanka doorashooyinka uu dalka galay.

Musharaxiinta ayaa qoraalka ay sida wadajirka ah u soo saareen waxay ku sheegeen in golaha midowga ay aad uga xun yihiin in markale dib u dhac ku yimaado markii sadaxaad jadwalkii doorashada ee horay la isugu raacay.

Qoraalka Golaha Musharaxiinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in bulshada Soomaaliyeed niyad jab iyo walaac ku abuurtay hubanti la'aanta dhanka doorashooyinka dalka, islamarkaana uu yaraaday maalgashiyadii caalamiga ahaa ee dalka.

Midowga Musharaxiinta ayaa hoosta ka xarriiqay in Golaha Wadatashiga Qaran uu qaadayo masuuliyada dib u dhaca doorashooyinka dalka, islamar ahaantaana sida qoraalka lagu sheegay ay yaraadeen maalgashigii ganacsi, heshiisyadii caalamiga ahaa, kaalmooyinkii dhaqaale, dayn cafinta, iyo mataaladdii Soomaaliya ee fagaarashayaasha caalamiga ah, taasi oo eedeynteeda ay dusha u saareen Golaha Wadatashiga Qaran.

Hoos ka akhriso qoraalka oo dhameystiran:-


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]