4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 10, 2021
Wasiirkii hore ee amniga Galmudug oo madaxweyne Qoorqoor ku eedeeyay inuu isbahaysi la yahay Alshabaab
 

Axad, October, 10, 2021 (HOL) - Wasiirkii hore ee amniga Galmudug, Axmed Macalin Fiqi oo shir jiraa'id ku qabtay Muqdisho, ayaa ka digay colaad aan la mahadin doonin oo uu tilmaamay inuu Galmudug ka abaabulayo madaxweyne Qoor-qoor.

Wasiir hore Fiqi wuxuu sheegay in dowladda federalka iyo Galmudug ay Dhuusomareeb geeyeen kun askari oo qorshuhu yahay in lagu weeraro Guriceel lana xasuuqo shacabka Galmudug. Sida uu sheegay.

Fiqi wuxuu nasiib darro ku tilmaamay in dagaaladii dhawaan Galmudug la gashay Shabaab, dowladda federalka laga waayay ciidamo ka qeyb qaata dagaalkaas. Balse  markii Ahlusunna ay timid Galmudug in Muqdisho laga keenay kun askari.

" Waxaan garan weynay in Madaxweynaha (Qoorqoor) uu isbahaysi la yahay Shabaab, inuu Shabaab Simpathy (naxariis) u hayo'," ayuu yiri wasiir Fiqi oo hadalkiisa kusii daray in madaxweynaha Galmudug uu diiday xal kasta oo nabadeed oo lagu wajahayo Ahlusunna.

"Waxaan la kulmay madaxda Alsunna. Waxay ii sheegeen in ay doonayaan in ay si nabad ah Galmudug ugu noolaadaan oo ay ka qeyb qaataan dagaalka Alshabaab. Kadib Madaxweynaha ayaa u imid, waxaan u sheegay in aan hayo furaha xalka Ahlusunna. Wuu iga diiday, wuxuuna igu dhahay, ma tegi kartid Dhuusomareeb", ayuu hadalkiisa ku yiri Fiqi.

Fiqi oo hadalkiisa wata , wuxuu sheegay in qorshaha laga leeyahay colaada ka jirta Galmudug uu yahay mashruuca Muqdisho laga abaabulayo oo lagu carqaladaynayo doorashada Galmudug.

Wuxuu sheegay inuu garan waayay sababta Loola dagaalami waayay Alshabaab oo uu sheegay in ay Galmudug ka haysato dhul badan, dagaaladii dhawaana ku qabsatay 17 gaadiid dagaal oo laga lahaa madaxtooyada Galmudug.



Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online