4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 10, 2021
Wafdi ka socda guddiga doorashooyinka heer fedaraal oo maanta gaaray magaalada Baledweyne


Axad, October, 10, 2021 (HOL) - Waxaa maanta magaalada Baledweyne soo gaaray wafdi uu hoggaaminaayo guddoomiye ku xigeenka guddiga doorashooyinka heer Fedaraal Mowliid Mataan, kuwaas oo soo dhaweyn loogu sameeyay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Baledweyne.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan maamulka gobolka iyo degmada Baledweyne ayaa wafdiga kusoo dhaweeyay garoonka Ugaas Khaliif.

Wafdigan uu hoggaaminaayay guddoomiye ku xigeenka guddiga doorashooyinka Mowliid Mataaan ayaa waxaa qeyb ka ahaa xubno ka tirsan guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee Hirshabeele oo uu ka mid ahaa guddoomiye Axmed Xasan Diini.

Xubnaha ka socda guddiga doorashooyinka heer Fedaraal ayaa u jeedka safarkooda lagu sheegay inuu yahay kormeerka goobaha ay ka dhici doonaan doorashooyinka Aqalka hoose ee Golaha Shacabka Soomaaliya, iyadoona Baledweyne lagu dooran doono 25 kursi oo ka mid ah kuraasta Aqalka hoose.

Wafdiga waxay kulan la qaateen gudoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan iyo saraakiisha kala duwan ee ciidamada oo ay ka dhageysteen warbixino la xariira dhanka amaanka goobaha ay ka dhacayaan doorashada kuraasta Golaha Shacabka Soomaaliya.

Guddiga Doorashooyinka heer Federaal horay waxay u tageen degaano ka tirsan dowlad goboleedyada dalka, iyadoona dhawaan ay aheyd markii ay booqdeen degmada Baraawe ee gobolka Sh/hoose oo kamid ah goobaha ugu horreeya ee lagu qabanayo doorashada Golaha Shacabka sida ay sheegeen guddiga doorashooyinka heer Fedaraal.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]