4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 10, 2021
Raysal wasaare Rooble: Waxaa iga go'an in aan marnaba gorgortan ka gali doonin caddaalad u helida Ikraan Tahliil iyo qoyskeeda
 

Axad, October, 10, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble oo la kulmay qoyska Ikraan Tahliil Faarax, ayaa mar kale ku celiyay in ay ka go’an tahay in uusan wax gorgortan ka galeynin kiiska Ikraan ayna ka go'an tahay in ay caddaalad ay hesho maalin uun ha dhawaato ama ha dheeraato.

Raysal wasaare Rooble ayaa carrabka ku adkeeyay in arintaas ay maxkamad hortaallo isla markaana maalin maalmaha ka mid ah gacanta lagu dhigi doono dambiilayaashii ka dambeeyay kiiska Ikraan Tahliil.

Raysal wasaaraha waxa uu qoyska Ikran Tahliil ka dhegaystay caqabado ay sheegeen in ay ku hor gudban yihiin Xeer-Ilaalinta Maxkmadda Ciidamada, si ay u dhaqaajiyaan kiiska Ikraan ayna u helaan baaris madax bannaan.

Kulanka uu raysal wasaaruhu la qaatay qoyska Ikraan Tahliil, wuxuu kusoo aadayaa xilli illaa iyo haatan madaxda sare ay isku khilaafsan yihiin habka loo marayo baaritaanka kiiska Ikraan oo ahayd sarkaal katirsan NISA.

Ikraan, waxaa la waayay taariikhdu markay ahayd 26kii june ee sannadkan, kadib markii abbaare siddeedii fiidnimo ay meel ku dhow gurigeeda ka raacday gaari nuuca raaxada oo u yimid.

Labadii bishii hore, hay’adda NISA waxay shaacisay in Ikraan Tahliil ay gacanta u gashay Alshabab, kadibna ay dileen. Balse Alshabaab ayaa maalmo kadib iska fogeeyay in ay wax lug ah ku leeyihiin kiiska Ikraan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online