4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 10, 2021
Dawlad Degaankii 11aad oo kusoo biiraya Dowlad degaannada ka jira dalka Itoobiya
 

Axad, October, 10, 2021 (HOL) - Dawlad Degaanka loogu magac daray Dawlad Degaanka Koonfur Galbeed Itoobiya ayaa la filayaa in dhawaan lagaga dhawaaqo Itoobiya.

Gudiga Doorashooyinka Itoobiya oo afti ka qaaday dadka ku dhaqan Koonfur Galbeed Itoobiya ayaa sheegay in 1.2 Milyan oo shacab halkaas ku dhaqan ay u codeeyeen inay degaan gaarka ah noqdaan.

Gudiga ayaa sidoo kale sheegay in natiijada aftida shacabka Koonfur Galbeed laga qaaday loo gudbinayo Golaha Fadareeshinka Itoobiya, si ay go'aan uga gaaraan.

Dowlad degaankan cusub ee loogu magac daray Koonfur Galbeed Itoobiya ayaa horey uga tirsanaa Dawlad Degaanka Shucuubta Koonfureed ee Itoobiya, oo ah Dawlad Degaan ay ku nool yihiin dadyow aad u badan oo afafkay ku hadlaan iyo dhaqankooduba ay kala duwan yihiin.

Horey waxaa Dawlad Degaanka Shucuubta Koonfureed ee Itoobiya uga go'ay Dawlad Degaanka Sidama oo ahaa degaankii 10aad ee ka mid noqday Dawlad Degaannada dalka Itoobiya ka jira, iyadoo haatan Dawlad Degaankan cusubna uu noqonayo Dawlad Degaankii 2aad ee ka go'a Dawlad Degaanka Shucuubta Koonfureed ee Itoobiya.

Dawlad Degaankan cusub ee loogu magac daray Dawlad Degaanka Koonfur Galbeed Itoobiya ayaa noqonaya Degaankii labaad ee kusoo darsama Degaannada dalka Itoobiya ka jira, tan iyo intii uu Abiyi Axmed Ra'iisal wasaare ka noqday Itoobiya.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]