4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 1 , 2021
Somaliland oo u hanjabtay ergadii afka duubatay ee doorashada kaga qayb gashay Xamar
 

Jimco, October, 1, 2021 (HOL) - Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa sheegay in xukuumada Somaliland ay ogtahay ergadii wajiga duubtay ee ka qayb galay doorashada aqalka sare ee Soomaaliya, isla markaana, talaabo laga qaadi doono.

Saylici ayaa sheegay in xildhibaannada la doortay ee dowlada Soomaaliya ay sheegtay in ay Somaliland matalaan, anay Somaliland matalin, isla markaana, anay xukuumada Somaliland aqbali doonin.

"Reer Soomaaliya waxan leeyahay, waxan aad meesha yar ee halka kiilo mitir ee ajaanibku ilaalinayo, ku wal walaaqaysaan, kama aqbalayno, inamana qabato in 20 inan oo qarankan ka falaagoobay la yidhaa way ina matalayaan, inamana ma talaan; lakiin, nimanka wax dhoob dhoobanayee halka fadhiya ayaa magaceena mar marinaya" ayuu yidhi Saylici.

Saylici ayaa intaa raaciyay in xuukamada Somaliland ay ka xuntahay, in Qaramada Midoobay ay goob joog ka tahay doorashadaa isla markaana, anay waxba ka odhan, isagoo sheegay in Somaliland ay ogtahay ergada wajiga qarsatay, isla markaana, la xidh xidhi doono markay Somaliland kusoo noqdaan.

"Waxan, laakiinse, aad uga xunahay in Jimciyadii Quruumaha ka dhaxaysay ay markhaati ka noqoto, oo ay aaminto in 20 iyo 30 qof oo qarankan falaago ka ah in ay u aragto in ay na matalaan, dowladi indho qudhaanjo ayay leedahay, waxaanu warka ku hayna kuwa indhaha qarsanayay waa kuwo Somaliland ka tagay, oo berri raba in ay soo noqdaan, waa dambiilayaal qaran kuwaasi, yaan la arkin reer Somaliland oo qaylinaya marka berri la xidho"  ayuu yidhi Saylici.

Ergada u codaynaysay xubnaha Somaliland kasoo jeeda ee u ordayay doorashada aqalka sare ee Soomaaliya, ayaa afka duubtay, iyaga oo iska qarinaya warbaahinta maadama ay ahayeen dad reer Somaliland ah oo raba in ay berri ka maalin Somaliland kusoo noqdaan.

Amb: Safiina oo ah afhayeenka Guddida Doorashooyinka Soomaaliya, oo MMTV way diiyay sababta ergadu madaxa u duubteen ayaa ku jawaabay "in xubnaha ergadu ka taxadarayeen caabuqa Covid-19, oo ay yara qalad fahmeen habka loo xidho afsaabka, isla markaana, ay siin doonaan wacyigalin dheeraad ah".

Abdilahi Abdirahman Mohamed, Hiiraan Online
[email protected]