Isniin, November 8, 2021 (HOL) - Wasaaradda Waxbarashadda Hiddaha iyo Tacliinta sare ee dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa soo saartay go'aano ku aadan cabashooyin uga yimid hay'addaha Waxbarashada gobolka Banaadir.
newsinsideWar qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Abuukar Xaaji ayaa waxaa lagu sheegay in wasaaradda ay baabi'isay dhamaan qarashaadkii ku xusnaa liiska Tariifada ee uu soo gudbiyay Agaasimaha Waxbarashada gobolka Banaadir, islamarkaana uu ansixiyay guddoomiyaha gobolka Banaadir.
Qoraalka kasoo baxay Xafiiska wasaaradda Waxbarashada ayaa sidoo kale lagu sheegay in xarumaha Waxbarashada ee kuyaala magaalada Muqdisho ay masuul ka tahay Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya.
Hoos ka akhriso qoraalka oo dhameystiran :-

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]
[email protected]