4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 30, 2021
Midowga Musharraxiinta oo beesha caalamka ugu baaqay in si degdeg ah usoo faro galiyaan doorashada
 

Talaado, November, 30, 2021 (HOL) - Golaha Midowga Murashaxiinta ayaa sheegay in laga tagay odayaashii dhaqanka ee xaqa u lahaa in ay soo xulaan ergooyinka doorashada golaha shacabka.

Waxay dowladda ku eedeeyeen in dad katirsan shaqaalaheeda, ciiddanka amniga iyo in dad aan isku hayb ahayn laga dhigay ergooyinka, si loogu boobo doorashada kuraasta aqalka hoose, waa sida ay musharraxiintu ku sheegeen qoraal kasoo baxay.

Golaha midowga musharraxiinta waxay beesha caalamka ugu baaqeen in ay soo faro galiso doorashada, oo aysan ka aamusin boob qaran oo ay sheegeen in lagu hayo kuraasta golaha shacabka.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online