4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 30, 2021
Madaxweyne Farmaajo oo kulan la qaatay Amiirka dalka Qatar Tamiim Binu Xamad
 

Talaado, November, 30, 2021 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo safar shaqo ku jooga dalka Qatar ayaa maanta wadahadal la yeeshay Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamim Binu Xamad Al Thani.

Madaxweyne Farmaajo iyo Amiir dalka Qatar Sheekh Tamim ayaa kulankooda uga wadahadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan xoojinta xiriirka dalalka Soomaaliya iyo Qatar iyo danaha ay wadaagaan si loo dardar galiyo iskaashi wax ku ool ah oo labada dhinacba faa'ido u leh.

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyey Amiirka wadanka Qatar fulinta Mashaariicda dhismaha jidadka isku xira Muqdisho, Afgooye, Balcad iyo Jawhar, dhismaha Xarumo muhiim u ah dowladda iyo waliba baahinta adeegyada aas aasiga ah ayaa tilmaamay dadaalka ay ku bixinayaan shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha oo muhiim u ah dib u soo kabashada dalka iyo horumarkiisa.

Amiirka Qatar Tamiim Binu Xamad ayaa dhankiisa ku bogaadiyey dowladda iyo Shacabka Soomaaliya wadashaqaynta dhow ee ay leeyihiin, midnimada iyo wadajirka ay ugu taagan yihiin dib u kabashada dalka.

Kulankan dhexmaray madaxweyne Farmaajo iyo Amiirka dalka Qatar Tamiim Binu Xamad ayaa waxaa Madaxweynaha Soomaaliya ku weheliyey Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Cabdisaciid Muuse Cali iyo Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xamsa Siciid Xamsa iyo Danjireha dalka Qatar Cabdirisaaq Faarax Cali Taano.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]