4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 30, 2021
Waare: Villa Soomaaliya waxay iskudayaysaa in ay burburiso xasiloonida Puntland
 

Talaado, November, 30, 2021 (HOL) - Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle, Maxamed Cabdi Waare, ayaa Puntland uga digay hagardaamo uu sheegay in ay la damacsan yihiin madaxda dowladda federalka Soomaaliya, isagoo sheegay in laga faaidaysanayo khilaafka arrimaha ciiddanka.

Madaxweyne Waare ayaa wareysi dheer oo uu bixiyay, wuxuu ku sheegay in madaxda Villa Soomaaliya ay ku jiraan dagaal federal diid ah, oo cidda kaliya ee hartay ay tahay Puntland.

‘Ma idin la tahay haddii taladu Xamar taallo, in dekeda Garacad dhismi lahayd oo Markab kusoo xiran lahaa. Ninkii ii dhagax dhig ka weyay, makula tahay inuu kaa yeelayo dhismaheeda?,’ ayuu yiri madaxweyne Waare oo wareysi gaar ah bixiyay.

Waare, wuxuu sidoo kale sheegay in villa Soomaaliya ay dagaal kula jiro musharraxnimada  madaxweyne Deni, ayna qaadayso tallaabo kaste oo lagu burburinayo xasiloonida Puntland.

Wuxuu sheegay in dowladda federalka iskudayayso in ay kala furfurto Puntland arrimaheeda gudaha , iyadoo ka faaidaysanaysa khilaafka ka dhextaagan madaxweyne Deni iyo hay’adda PSF.

Waare, wuxuu kula taliyay ciiddanka PSF in ay joojiyaan amar diida ayna u hoggaansamaan awaamiirta madaxweyne Deni kasoo baxa.

 

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online