4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 29, 2021
Cabdiweli Gaas: Raysal wasaare Rooble waa inuu doorashada kusoo celiyaa wadadii saxda ahayd, si uu berito dhigaal u sameysto
 

Isniin, November, 29, 2021 (HOL) - Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa sheegay in raysal wasaare Rooble uu qaadanayo masuuliyadda musuq maasuqa doorashada dalka ka socota, maadaama isaga doorashada gacanta loo galiyay.   

Cabdiweli Gaas ayaa sheegay, raysal wasaare Rooble mar haddii uusan musharrax ahayn in looga baahnaa inuu aad u ilaaliyo hufnaanta doorashada, si uu berrito uga tago dhaxal lagu xasuusandoono.

“Anigu waxaan isleeyahay dhalliil weyn ayuu dadku usoo jeedinayaa raysal wasaaraha, waxaanse rajeynayaa mar haddii uu la kulmay musharraxiinta, inuu doorashada wadadeedii tooska ahayd kusoo celiyo,” ayuu yiri Cabdiweli Gaas.

Dhinaca kale, Cabdiweli Gaas ayaa ku dhaliilay midowga musharraxiinta in aanay lahayn mowqif hal dhinac loo raaco, isagoo sheegay, in labo xildhibaan oo labaduba si qaldan kusoo baxay ay midna u hambalyeeyeen, mid kalena ay diideen.

“Musharraxiinta waxaa la rabaa in timahooda dhan u wada xiirmo, oo wixii qalad ah ay diidaan, ama aqalka sare ha noqoto ama aqalka hoose, ama saaxiibkaa hakusoo baxo ama yuusan kusoo bixin. Wixi qaldan waa qaldan yihiin,” ayuu yiri Gaas.

Cabdiweli Gaas waxa uu sheegay inuu taageersan yahay in midowga musharraxiintu ka horyimaadaan nidaamka qaldan ee doorashada, balse wuxuu ka digay in gacan ka hadal wax lagu xalliyo.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online