4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 28, 2021
Maxaa kasoo baxay kulankii dhexmaray raysal wasaaraha iyo midowga musharraxiinta
 

Axad, November, 28, 2021 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa maanta kulan la qaatay golaha midowga Midowga Musharraxiinta, iyagoo ka wada hadlay arimaha doorashooyinka iyo tabashooyinka soo baxaya.

Midowga Musharaxiinta ayaa walaac weyn ka muujiyay daahfurnaan la’aanta ka jirta doorashooyinka dalka ka soconaya iyo sida aaney raali uga noqon karin habka ay iminka wax u socdaan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa isagoo tixgalinaya tabashooyinka mucaaradka, wuxuu ballan qaaday in Gollaha Wadatashiga Qaranka uu yeelan doono kulan ku saabsan sidii si wadajir ah looga shaqeyn lahaa in doorashooyinka dalku ay u dhacaan si hufan loona saxi lahaa qaladaadka jira.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in guddiyada Doorashooyinka uu u qabanayo shir foogaan arag ah oo lagaga hadlaayo daahfurnaata doorashada isaga oo caddeeyay in lala xisabtamaayo cid kasta oo ku xadgudubta hufnaanta doorashada.

Afhayeenka golaha musharraxiinta Daahir Maxamuud Geelle ayaa warbaahinta u sheegay inuu raysal wasaaruhu musharraxiinta la qaatay dareenka ay ka qabaan doorashada oo ah in boob loo geystay doorashada.

Geelle wuxuu sheegay in raysal wasaaraha uga fadhiyaan inuu qaado tallaabooyin dib loogu saxayo daahfurnaanta doorashada iyo ku ilaalinta habraaca loo dajiyay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online