4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 28, 2021
Doorashada afar kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka oo maanta lagu doortay magaalada Baydhabo


Axad, November, 28, 2021 (HOL) - Waxaa goordhaw magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay lagu soo gabagabeeyay doorashada afar kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay maamulka Koonfur Galbeed.

Kursiga koowaad ee doorashada maanta dhacday oo tirsigiisu ahaa HOP 103 waxaa ku guuleystay maxamed Cali Xasan oo heley Codad dhan 78, halka musharaxii la tartamayey Mukhtar Cali Ibraahim uu heley Codad dhan 18 waxaana halaaway 4 cod, waxaana xusid mudan in kursigaa uu ahaa kii loo diiday inuu u tartamo guddoomiyahii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Kursiga labaad ee doorashada maanta waxaa kusoo baxay gudoomiyihii hore er Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe kaaso heley xodad dhan 63 cod, halka musharaxii la tartamayey Xasan Cali Maxamed uu heley  11 cod.

Kursiga sadaxaad waxaa isna ku guuleystay Abdirizak Haji abdi Midnimo, kaasoo heley 80 cod, halka musharaxii la tartamayey oo ahaa Maxamed Cali Sheekh uu heley Codad gaaraya 15 cod, waxaana halaabay 6-Cod.

Kursiga afaraad oo ahaa kursiga ugu dambeeyay doorashadii maanta ka dhacday magaalada Baydhabo waxaa kusoo baxay Nuura Mustaf Muqtaar oo heshay Codad gaaraya 83, halka Muno Aadan Maxamed oo aheyd musharaxii laga guuleystay ay heshay 15 cod, waxaana halaabay 2 cod.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa noqday maamulkii sadaxaad ee guda galay howlaha doorashada kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11 -aad ee Soomaaliya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]