4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 28, 2021
Raysal Wasaare rooble: Ma aqbalidoono in guddiyada doorashooyinka ay ku milmaan madaxda dowlad goboleedyada
 

Axad, November, 28, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay inuusan marnaba aqbalaynin in guddiyada doorashooyinka heer dowlad goboleed ay ku milmaan madaxda dowlad goboleedyada.

Raysal Wasaare Rooble oo kulan la qaatay guddiga doorashooyinka, wuxuu dowlad goboleedyada ugu baaqay in ay ilaaliyaan madax bannaanida doorashada iyo ku dhaqanka habraaca doorashada.

Rooble wuxuu u sheegay dadka dacwaddaha ka qabo doorashooyinka in ay dacwaddooda si rasmi ah guddiga xallinta khilaafaadka ugu soo gudbiyaan halkii ay warbaahinta ka sheegi lahaayeen eedayn.

“Dadka musharraxiinta ah waxaan leeyahay, Media ama Facebook wax lagu soo qoro, ma ahan hab dacwo loosoo gudbiyo. Dacwadda nidaam iyo habraac ayay leedahay. Diyaar ayaan u nahay in dacwaddaada loo qaado habkii habraacu dhigayay, ayuu yiri raysal wasaare Rooble.

Hadalka raysal wasaaraha ayaa kusoo beegmaya, iyadoo cabashada doorashada ay aad iskusoo tarayso xilli ay doorashada aqalka hoose bilow tahay, waxaana laga cabanayaa in boob aan loo meel dayin lagu hayo kuraasta aqalka hoose.

Golaha midowga musharraxiinta waxay Raysal Wasaaraha ku eedeeyeen inuu awooddi waayay inuu doorashada ku ilaaliyo habraacii loo dajiyay, waxna uu ka qabto cabashada musharraxiinta.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online