4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 27, 2021
Guddiga doorashada Soomaaliya oo hakiyay doorashada kursigii laga reebay guddoomiyihii hore ee barlamaanka Prof Jawaari

Sabti, November, 27, 2021 (HOL) - Guddiga hirgalinta doorashada heer federal ayaa hakiyay doorashada kursiga tirsigiisu yahay 103, kursigaas oo la sheegay in laga reebay tartankiisa guddoomiyihii hore ee barlamaanka Soomaaliya Prof. Jawaari.

Guddiga ayaa sheegay kulan ay la qaateen Prof Maxamed Cusmaan Jawaari inuu usoo gudbiyay cabasho, waxayna sheegeen baaris kadib in ay go’aamiyen in la hakiyo doorashadiisa.

Qoraal kooban oo guddiga kasoo baxay, ayaa lagu sheegay, in kursigaan doorashadiisa dib loo dhiay illaa iyo inta laga xallinayo tabashooyinka kasoo yeeray habraaca loo maray diiwaan galinta musharraxiinta.

Geesta kale, guddiga doorashada Koonfur galbeed ayaa isla goor dhowayd shaaciyay liista afar kursi oo uu kamid yahay kursiga guddoomiye Jawaari cabashada kasoo gudbiyay, kuwaas oo berrito lagu tartami doono.

Lama ogga in xal laga gaaray hakintii lagu sameeyay.

Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa dhawaan sheegay inaysan doorashada Soomaaliya ahayn mid xalaal ah oo daahfuran, sida uu hadalka u dhigay.

Jawaari oo la hadlayay warbaahinta kadib markii uu kasoo laabtay Baydhaba oo lagu dooranayo kursigiisa 103, ayaa wuxuu sheegay in xuquuqda muwaadinka ee ah in la doorto waxna uu doorto loo diiday.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online