4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 27, 2021
Isimada Puntland oo baaq nabadeed kasoo saaray colaadda Boosaaso iyo dhinacyada isku haya talada PSF
 

Sabti, November, 27, 2021 (HOL) - Isimada dhaqanka ee Puntland ayaa kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Bosaso waxay ku baaqeen in wada hadal lagu dhameeyo khilaafka ka dhashay xil ka qaadista lagu sameeyay agasimaha taliska ciiddanka PSF.

Isimada oo shir jaraaid qabtay, ayaa si adag uga horyimid colaadda ka jirta magaalada Bosaso, waxayna nasiib darro ku tilmaameen in xaafaddo kamid ah Boosaaso ay noqdeen furimo dagaal.

Boqor Burhaan Boqor Muuse oo shir guddoominayay kulanka Isimada, ayaa ku baaqay in xasiloonida lagu dadaallo, lagana hortago colaad iyo barakac.

Boqor Burhaan waxa uu labada dhinac ugu baaqay in ay joijiyaan hadalada xanafta leh ee ay saxaafadda isku marinayaan, isagoo sheegay in aan cidina dan ugu jirin colaad iyo barakac.

"Waa inaan dadka la qaxin oo nabada iyo xasiloonida lagu dadaallo. Ciiddanku waxay dareeska u sitaan ma ahan in ay dadka dhibaato ku noqdaan, maamulkana waxaa loo dhistay inuu amniga iyo kala dambayn dowladnimo ee loo baahan yahay wado," ayuu yiri Boqor Burhaan.

Si kasta ha ahaatee, Isimada Puntland ayaa la filayaa in ay la kulmaan labada dhinac islamarkaana ay kala hadlaan in si nabad ah lagu dhameeyo ismari-waaga ka dhashay xil qaadista taliska PSF.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online