3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 25, 2021
Afhayeenka Kulmiye oo beeniyay in laga joojiyay in uu warbaahinta la hadlo
 

Khamiis, November, 25, 2021 (HOL) - Afhayeenka xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni, ayaa beeniyay warar baraha bulshada lagu baahiyay oo sheegayay in guddoomiye ku xigeenka 1aad ee xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed uu ku amray in aanu warbaahinta la hadal amar la'aan.

Buuni ayaa sheegay in laga been abuuray wasiir Maxamed Kaahin oo ah guddoomiye ku xigeenka 1aad ee xisbiga isla markaana ay warar kaasi baahiyeen dad aan masuuliyad u saaxiib ahayn.

"Aniga oo ku hadlaya afka xisbiga Kulmiye iyo afka guddoomiye ku xigeenka 1aad Maxamed Kaahin Axmed oo shalay dad aan masuuliyad usaaxiib ahayni ayka qoreen warar aan sal iyo raad toona lahayn, kuwaasi oo lagaga been abuuray guddoomiye ku xigeenka 1aad, xisbiga iyo aniga, waxan shacbiga u sheegayaa in warkaasi yahay waxba kama jiraan" ayuu yidhi Buuni.

Buuni ayaa sheegay in ay warkan baahiyeen dad wax magarato ah oo ka xun awooda xisbiga talada haya ee Somaliland.

"Waxa fidiyay dad xamas ah oo aan caqli u saaxiib ahayn, ayna tahay markii la arkay awooda xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye, madaxda Kulmiye iyo xukuumada J. Somaliland ee markale hanatay quluubta iyo awooda shacbiga Somaliland"  ayuu yidhi Buuni.

Maalintii shalay ayaa waxa baraha bulshada si wayn ugu baahay warar sheegaya in wasiir Kaahin uu Buuni ku amray in aanu warbaahinta la hadli karin ilaa uu amar ka helo madaxda sare ee xisbiga Kulmiye.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
11/25/2021 10:00 AM EST
Khamiis, November, 25, 2021 (HOL) - Guddoomiyahii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa goordhaw shaaciyay in laga hor istaagay inuu isku diiwaan geliyo kursiga tirsigiisu yahay HOP 103 oo deegaan doorashadiisa tahay magaalada Baydhabo.

11/25/2021 7:33 AM EST
Khamiis, November, 25, 2021 (HOL) - Golaha midowga Musharraxiinta ayaa kasoo horjeestay sida haatan ay ku socdaan doorashooyinka Soomaaliya, iyagoo sheegay in ay ka dhalan karto burbur baahsan oo dalka ku habsada.

11/25/2021 6:38 AM EST
Khamiis, November, 25, 2021 (HOL) - Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow ayaa gaadhay magaalada Baydhabo ee caasimada maamulka Koonfurgalbeed ee Soomaaliya, si uu raali gali uga bixiyo tarxiilkii ay xukuumada Somaliland ciideeda kaga saartay dadka reer Koonfur-galdeed.

11/25/2021 4:45 AM EST
Khamiis, November, 25, 2021 (HOL) - Taliyihii kumeel gaarka ahaa ee hay’adda nabad sugida Kornayl Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud yaasiin fareey ayaa noqday xildhibaan katirsan golaha shacabka, kadib markii uu ku guulaystay doorasho goor dhowayd ka dhacday magaalada Dhuusamareeb.

11/25/2021 2:43 AM EST
Khamiis, November, 25, 2021 (HOL) - Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerar Ismiidaamin ah oo subaxnimadii hore ee saakay ka dhacay degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

11/25/2021 1:57 AM EST
Khamiis, November, 25, 2021 (HOL) - Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa weerar ismiidaamin ah oo saakay Muqdisho lagula eegtay kolonyo katirsanayd gaadiidka ilaalida UN-ka, kuwaas oo marayay waddada xiriirisa Tarabuunka iyo km4.

11/25/2021 12:51 AM EST
Khamiis, November, 25, 2021 (HOL) - Guddiga heer federal ee hirgalinta doorashooyinka dadban ee Soomaaliya, ayaa shaaciyay in ay baaritaanno ku sameynayaan dhammaan cabashooyin ka dhashay doorashada labada aqal ee ah in ay madaxda dalku faro galin ku hayaan doorashada.

11/25/2021 12:44 AM EST
Khamiis, November, 25, 2021 (HOL) - Waxaa maanta markale lagu wadaa in magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug iney ka dhacdo doorashada laba kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya.

11/25/2021 12:35 AM EST
Khamiis, November, 25, 2021 (HOL) - Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa bogaadiyay guddiyada Doorashooyinka heer Federal, Guddiyada Doorashooyinka Somaliland, Galmudug iyo Koofur Galbeed oo si rasmi ah u bilaabay doorashooyinka golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

11/25/2021 12:30 AM EST
Khamiis, November, 25, 2021 (HOL) - Wararka ka imaanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in la dilay 12 kamid ah kooxda TPLF, 6 kamid ah 12kaas waxay ahaayeen hoggaamin sare, ku waasi oo hoggaaminayey ciidanka kooxdaTPLF, sida uu sheegay Wasiirka warfaafinta Itoobiya oo warbaahinta la hadlay.

11/25/2021 12:29 AM EST
Khamiis, November, 25, 2021 (HOL) - Boqolaal dadwayne ah ayaa suuqa Hargaysa ku dhex eryaday inan (gabadh) dhalinyaro ah oo iyada oo xidhan shaadh iyo surwaal suuqa ku dhexmarasay xalay cawaysinkii.