4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 25, 2021
Al-shabaab oo sheegatay masuuliyada qaraxii Ismiidaaminta ee saakay ka dhacay Magaalada Muqdisho
 

Khamiis, November, 25, 2021 (HOL) - Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerar Ismiidaamin ah oo subaxnimadii hore ee saakay ka dhacay degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Al-shabaab ayaa sheegtay in weerarka qaraxa uu fuliyay ruux naftii hure ah oo ka tirsanaa dagaalamayaashooda, kaaso gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay la bartilmaameedsaday kolonya gadiid ah oo galbineysay Saraakiil cadaan ah, xili ay marayeen inta u dhaxeysa madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasin iyo Dugsiga sare ee Banaadir.

Waxaa sidoo kale lagu sheegay qoraalo ay Shabaab ku daabaceen baraha ay ku leyihiin Internetka in khasaare xoog leh ay u geysteen kolanyada gadiidka ah, islamarkaana uu qaraxu haleelay mid ka mid ah gaadiid galbinaayay saraakiisha cadaanka ah halkaasna ay ku dhinteen askar Afrikaan iyo Soomaali isugu jirta, walow aysan sheegin tirada rasmiga ah ee ay ku dileen weerarka Ismiidaaminta ah.

Marka laga soo tago sheegashada Al-shabaab khasaaraha ka dhashay weerarka Ismiidaaminta ah, Booliiska Soomaaliya oo dhankooda ka hadlay khasaaraha qaraxa ayaa sheegay iney ku dhinteen weerarka ilaa 8 ruux 17 kalana ay ku dhaawacmeen.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]