4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 25, 2021
Gabadh Hargaysa ku dhex xidhatay shaadh iyo surwaal oo nafteedu khatar gashay
 

Khamiis, November, 25, 2021 (HOL) - Boqolaal dadwayne ah ayaa suuqa Hargaysa ku dhex eryaday inan (gabadh) dhalinyaro ah oo iyada oo xidhan shaadh iyo surwaal suuqa ku dhexmarasay xalay cawaysinkii.

Inantan ayaa badhtamaha suuqa caasimada Somaliland ee Hargaysa soo martay iyadoo ku labisan shaadh iyo surwaal, ficilkaas oo marqudha kusoo jeediyay dadkii suuqa joogay, isla markaana ay boqolaal qof kusoo xoomeen, kadibna ciidanka booliiska ayaa xabsiga u taxabay.

"Ciidanku waxay badbaadiyeen nafteeda oo waxay ka reebeen dad shacab ah oo ka gadooday qaab labiskeda" sidaa waxa yidhi sarkaal ka tirsan ciidanka booliiska Somaliland, oo sheegay in booliisku u xidheen si ay nafteeda u bad baadiyaan.

Ciidanka ayaa gabadha ku xidhay saldhiga dhexe ee magaalada Hargaysa, kadib markii laga reebay boqolaal qof oo nafteeda khatar galiyay.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]